Horudhaca Manchester United vs. Celta Vigo yeysan sheeko kugu dhaafin kulanka

0
Thursday May 11, 2017 - 10:33:11 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horudhaca Manchester United vs. Celta Vigo yeysan sheeko kugu dhaafin kulanka

    Khamiis--Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Manchester

Manchester United ayaa marti qaadi doonta kooxda Celta Vigo ciyaar dhici doonta habeenka Khamiista waxaana 1-0 hoggaanka kusii heysa lugta hore ee Europa League semi-final kooxda Man Utd.


 

Naadiga dalka Spain ayaa doonaya guul muhiim ah si ay u gaaraan finalka oo ka dhici doona magaalada Stockholm, balse 2-1 guul ah ayaa ku fillaan karta kulanka Old Trafford.


 

Man Utd kulamadeedii u dambeeyay:3 guul 2 garab dhac iyo 1 Khasaare



 

United ayaa sheegtay in uusan imaan Karin safka Ashley Young kaasoo dhaawac muruqa ah uu kasoo gaaray lugtii hore ee labada kooxood markaas oo uu ciyaaray daqiiqado kooban isaga dhanba.


 

Si waliba, United ayaa dhigaashatay ciyaartoydeeda inta badan kulankii ay khasaaraha kala kulantay Arsenal, waxayna la macno tahay in Mourinho uu xoogga saari doono kulanka Khamiista oo ay safka billowga soo heli doonaan xiddigihii la nasiyay.


 

Waxay taasi la macno tahay in Eric Bailly, Daley Blind iyo Paul Pogba ay dhammaan safka kusoo laaban doonaan, halka Marcus Rashford la filayo in uu weerarka kooxda hoggaamiyo.


 

Mid kasta oo ka mid ah ciyaaraheeda bug-baxda ee Europa League, Sergio Romero ayaa goosha qabanayay, marka isla isaga ayaa loo deyn doonaa shaqadan.


 

Celta kulamadeedii u dambeeyay: 5 khasaare iyo 1 garab dhac


Celta Vigo macallinkeeda Berizzo ayaa dib ugu yeeri doona inta badan xiddigaha safkiisa billowga, haddiiba aysan sidaas aheynna waa dhammaantood, wuxuu toddobaadkan nasiyay xiddigo badan oo ay ku jiraan John Guidetti iyo Iago Aspas – kuwaas oo horay ugu soo kala ciyaaray Manchester City iyo Liverpool isla markaana waxay imaan doonaan weerarka kooxdooda.


 

Safka Manchester United: Romero, Valencia, Bailly, Blind, Darmian, Fellaini, Herrera, Pogba, Lingard, Mkhitaryan, Rashford


 

Safka Celta Vigo: Alvarez, Mallo, Cabral, Roncaglia, Castro Otto, Radoja, Hernandez, Wass, Sisto, Aspas, Guidetti

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip