Garsoore Xasan Baari Oo Dhex Dhexaadiyay Kulan Ciyaareedkii U Dhaxeeyay Kooxaha KCC Iyo Rivers,Yaase Badiyay?

0
Sunday June 04, 2017 - 12:34:15 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoore Xasan Baari Oo Dhex Dhexaadiyay Kulan Ciyaareedkii U Dhaxeeyay Kooxaha KCC Iyo Rivers,Yaase Badiyay?

    Axad-Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Muqdisho



Garsooryaasha heerka caalami dalkeean ayaa dhex dhexaadiyay kulan ciyaareed ka tirsan Caf Confederation Cup 2017 waxaana garoonka lafu magacaabo Phillip Omondi stadium ee Magaalada Kampala ee dalka Uganda.


Kooxda ku ciyaarta magaca ciidamada dalka Uganda ee Kampala Capital City ayaa gurigeeda 2-1 ku dharbaaxday kooxda kasoo safartay dalka Nigeria ee Rivers United,xiliay usoo daawasho tageyn taagerayaal aad tiro badan.



Kulanka waxaa dhex dhexaadiyaal ka ahaa garsooryaasha heerka caalami ee dalkeena kuwaas oo kala ah Xasan Maxamed Xaaji,Xamze Xaaji Cabdi,Suleyman Bashiir Sheikh Cabdi iyo Garsoore Bashiir Colaad Carab.


Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari) ayaa ahaa garsooraha Dhexda,Calanhayaha 1-aad Xamze Xaaji Cabdi,calanhayaha 2-aad Suleyman Bashiir Sheikh Cabdi,halka garsooraha keydka uu ahaa Bashiir Colaad Carab.


Dhinaca kale waxaa garoonka Phillip Omondi stadium ee Magaalada Kampala ka daawanayay qaar ka mid Ciyaartooyda dalka uu sugan dalka Uganda gaar ahaan laacibkii kooxaha Elman iyo Jeenyo Axmed C/qaadir (Liidaanyo) iyo laacibkii hore degmada Xamar JaJab iyo kooxda horyaalka heerka Labaad ee Rajo.


Garsoore Xasan Baari ayaa rigoor wanaagsan ka sameeyay ciyaaraha kala duwan ee qaarada afrika,isagoo lixdii bil ugu horeesay dalalka qaarada afrika kasoo dhex dhexaadiyay waa sharaf iyo guul usoo hooyatay dalkeena.


Gebi gebadii gudiga ciyaarta ayaa amaan iyo sharaf u diray garsooryaasha heerka caalami ee dalkeena waxayna qeyb ka yihiin garsooryaasha loogu jecel yahay dalalka qaarada Afrika.


Maxamed Xuseen Qalinle



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip