Ghana: Asamoah Gyan Oo Sheegaya In Goolkii Ugu Fiicnaa Abid Uu Ka Dhaliyay Soomaaliya

0
Tuesday June 20, 2017 - 09:28:40 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 1249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ghana: Asamoah Gyan Oo Sheegaya In Goolkii Ugu Fiicnaa Abid Uu Ka Dhaliyay Soomaaliya

    Talaado-Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Muqdisho

Kabtanka xukla qaranka Ghana Asamoah Gyanayaa sheegaya in goolkii ugu fiicnaa noloshiisa ka dhaliyay xulka qaranka Soomaaliya 2003, kulankaas oo sidoo kale ahaa markii ugu horeysay uu u safto xulka Qaranka Ghana.


Asamoah Gyan ayaa la sheegayaa in uu bareejeeyay gool-dhinta ciyaaraha caalamiga recordka ciyaaryahannada Robin Van Persie iyo Edin Dzeko oo dhammaantood dhaliyeen min 50 gool.



Gyan, oo hadda qaab ammaah ah ugu jooga kooxda Imaaraadka ee Shabab Al-Ahli ee ka dhisan magaalada Dubai, ayaa sheegay in goolal badan dhaliyay balse goolkii ugu fiicnaa noloshiisa uu ka dhaliyay Soomaaliya .


"Goolal badan oo fiican ayaan dhaliyay oo cid walba og tahay, laakin waxaan dhihi karaa goolka aan ka dhaliyay qaranka Soomaaliya sanadii 2003-dii, waa gool xusuus leh, waa markii ugu horeysay ee dalkeyga aan u safto heer qaranā€¯ sidaasi waxaa yiri Gyan.


Gyan waxaa uu axaddii lasoo dhaafay dhaliyay goolkiisii 50-naad ee heer qaran kana dhaliyay dalka Itoobiya, waxaa uu dalkiisa heer qaran u saftay 103 kulan, ninkan sidoo kale 2006-dii waxaa uu koobka adduunka ka dhaliyay 1 gool, waa laacibkii ugu horeeyay Ghana ee koobka Adduunka gool ka dhaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip