Boca Juniors oo hanatay markii 32-aad koobka Argentine

0
Wednesday June 21, 2017 - 09:35:16 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boca Juniors oo hanatay markii 32-aad koobka Argentine

    Arbaco--Buenos Aires

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco--Buenos Aires

Boca Juniors ayaa noqotay kooxda hanatay koobka Argentina markeedii 32-aad ka gadaal markii ay kooxda la xifaaltameysay ee Banfield ay Khasaare la kulantay Talaadadii.


Khasaare 1-0 ah oo ay kooxdani kala kulantay San Lorenzo ayaa ku qasabtay in Banfield aysan u suurageli Karin in ay soo gaarto kooxda Boca, kuwaas oo hadda 5-dhibcood oo nadiif ah ku haya hoggaanka.


Guillermo Barros Schelotto wiilashiisa ayaa kaliya khasaaray 3 mar koobkan inta uu socday, waxayna Boca horyaalka la tagtay iyadoo usii dhowaaneysa River Plate rikoodhkeeda oo ah 36-mar in ay hanatay.



Boca waxaa hoggaanka u dhiibay Dario Benedetto kaasoo dhaliyay (18 gool sameeyayna, 3 caawinaadood) halka 21-jirka Argentina Cristian Pavon uu dhaliyay (9 gool, 7 kalena uu caawiyay).


Carlos Tevez ayaa dhaliyay 5 gool ka hor inta uusan u dhaqaaqin Shanghai Shenhua bishii December.


Fernando Belluschi ayaa dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii 56-aad kaasoo San Lorenzo ay uga badisay Banfield Boca ayuuna goolkaas ka caawiyay hanashada koobka.


Boca (59 dhibcood ayey heshay) 2 kulan ayeyna heysataa, kooxda booska seddaxaad ee River (52 ayey leedahay), halka Banfield (54 ay Aruursatay) kooxda San Lorenzo (52 ayey dhankeeda keensatay) kuwaas kale oo dhan waxay heystaan min 1 kulan.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip