Xiriika kubadda Koleyga Soomaaliya oo ku dhawaaqay Xilliga uu Furmayo Horyaalka

0
Friday June 23, 2017 - 08:57:39 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriika kubadda Koleyga Soomaaliya oo ku dhawaaqay Xilliga uu Furmayo Horyaalka

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga ayaa xafiiska uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku qabtay Kulan ballaaran oo logoa hadlayay dhameystirka iyo dardar gelinta Oorsha sanadeedka Xiriirka waxaana kasoo qeyb galay Guddiga Fullinta Xiriirka iyo Wak

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga ayaa xafiiska uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku qabtay Kulan ballaaran oo logoa hadlayay dhameystirka iyo dardar gelinta Oorsha sanadeedka Xiriirka waxaana kasoo qeyb galay Guddiga Fullinta Xiriirka iyo Wakiilada Naadiyada Xiriirka kubadda Koleyga.




Kulanka ayaa xooga loogu saaray sidii loo dhaqan gelin lahaa qorshaha ballaarinta tartamada , tayaynta aqoonta macalimiinta , garsoorka iyo oo sare u qaadida xirfadda ciyaartoyda taasoo  Xiririka  uu ku dhawaaqay   doorashadii 2 April 2017.


Kadib falanqeyn iyo aragtiyo wax ku ool ah oo wadaageen masuuliyiinta Xiriirka iyo naadiyada , waxaa halkaas ka Hadlay Guddoomiyaha XSKK Mudane Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani, waxuuna sheegay in lixda Bil ee ka harsan sanadkan uu xiriirka qaban doono howlaha ugu badan ee Horumarinta.



Cadaani ayaa sheegay in xiriirka uu dayartic  ballaaran ku sameeyay garoonka Wiish kulanka ugu horeeyana  ay ku daah furi doonaan kulan Maalinta Ciidda loo qaban doono Degmooyinka Shangaani iyo Shibis, 8 July oo laqaban doono kulan lagu maamuusayo maalinta caalamiga ee Olympic Day kaasoo dhex mari doona laba koox dhanka Gabdhaha ah iyo Horyaalka Kubada Koleyga 2017-18 oo si rasmi ah u furmi doona 20 July 2017.


Guddoomiyaha ayaa dhanka kale ka dhawaajiyay lixda bil sanadkakaharsan ay qaban doonaan tartanka degmooyinka, Jaamacadaha iyo dugsiyada, sidoo kale ay qaban doonaan koorsooyin dhanka aqoonta oo loo qabn doono garoorka iyo Macalimiinta Xiriirka.



 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip