James oo ay kasoo fakatay Bayern Munich ayaa ka weyn Real Madrid!

0
Wednesday July 26, 2017 - 11:57:40 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James oo ay kasoo fakatay Bayern Munich ayaa ka weyn Real Madrid!

    Arbaco--Munich

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco--Munich

James Rodriguez ayaa ku adkeystay in Bayern Munich ay tahay koox aad u weyn, haddiiba aysan kasii weyneyn, kooxda milkiyaddiisa leh ee Real Madrid.


Laacibka dalka Colombia ayaa ka tegay caasimadda Spain wuxuuna kooxdaas oo uu ku biiray keddib koobkii Adduunka ee 2014, ka mid ahaa xiddigaha naadigaas in kastoo uu ku fashilmay in safka koobaad ee Santiago Bernabeu uu usoo doorto macallin Zinedine Zidane.


James ayaa wuxuu dib ula midoobay macallinkiisii hore ee Real Carlo Ancelotti oo uu ugu tegay Bayern 2-sano oo Amaah ah ayuuna kula shaqeyn doonaa naadiga Bundesliga heysata waxaana sidoo kale u furan in si joogto ah uu ugu biiro.



Madrid, oo ku guuleystay Champions Leagues laba mar oo isku xigta ayaa sidoo kale loo caleema saaray La Liga xagaagii dhammaaday, waxayna ka mid tahay kooxaha dunida ugu fiican, balse James ayaa yiri Bayern ayaa kasii weyn.


"Bayern Munich waa koox weyn haddiiba aanan dhihin waxay ka weyntahay Real Madrid," ayuu u sheegay Sport Bild.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip