James Rodriguez oo Beeniyay Inuu Caayay Real Madrid

0
Thursday July 27, 2017 - 21:33:51 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Rodriguez oo Beeniyay Inuu Caayay Real Madrid

    Khamiis-Germany

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis-Germany





James Rodriguez ayaa beenAbuur  ku tilmaamay, Hadaladii  laga baahiyey ee uu ku simay awooda kooxdiisa cusub ee Bayern Munich iyo Kooxdiisii Hore ee Real Madrid.



Xiddiga xulka Colombia, ayaa kaga soo biiray naadiga horyaalka Bundesliga, dhinaca kooxda Madrid xagaagan dhexdiisa, isagoo u saxeexay heshiis laba sanadood oo amaah ah, kaas oo ay u furan tahay in heshiis rasmi ah loo bedeli karo, kadib markii uu ka hoos shaqayn kari waayay maamulka Tabobare Zinedine Zidane.




War uu baahiyey, wargeyska ciyaaraha ee Jarmalka ka soo baxa ee Bild ayaa u dhignaa in weeraryahankan khadka dhexe uu yiri: 



"Bayern Munich waa naadi u weyn sida Real Madrid, haddii aanay kaba sii awood badnay. Waxaan eegay kooxda ciyaaryahanadeeda, waxaanay ila noqotay in Halkan ay joogaan xiddigo ka badan kuwa ay haysato kooxda Real, Xaga tayada wey ka siman yihiin’.”



Si kastaba ha ahaatee, laacibkan 26 jirka ahi, wuxuu warkaas kadib bartiisa Twitter ka ku baahiyey, hadal uu ku beeninayo inaanu weedhahaas isagu oran.



"Waxaasi waa been, Anigu maan oranin hadalkaas,” ayuu soo baahiyey. "Xushmad iyo qadarin dhamaystiran ayaan u hayaa Madrid! Fadlan, Iska kay daaya, Waan ka imid Spain imika. Waad mahadsan tihiin.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip