Kooxda Chelsea Oo u weecatay Renato Sanches

0
Friday July 28, 2017 - 19:46:37 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Chelsea Oo u weecatay Renato Sanches

    Jimco-Egla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco-Egla




Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa xiiseynaya inuu xilli ciyaareedka soo aadan amaah ku qaato xiddiga reer Portugal wuxuuna waydiistay Ancelotti intii lagu guda jiray kulamadii saaxiibtinimo ee ka dhacay Singapore.



Chelsea iyo Bayern Munich ayaa talaadadii isku wajahay tartanka saaxiibtinimo ee International Champions Cup waxaana la fahasan yahay in Conte uu kulanka kaddib la hadlay Carlo Ancelotti tababaraha kooxda xafidaneysa horyaalka Bundesliga,  si ay uga hadlaan suuro galnimada ay ku heli karaan Sanches.






Bayern ayaa isku diyaarineysa inay amaah ku dirto 19-jirka kaa oo sanad niyad jab leh ku soo qaatay kooxda, waxaa kaloo xiddiga qadka dhexe xiiseynaya kooxda sida wayn isku dhiseysa ee AC Milan.



Laakiin Conte ayay ka go’antahay inuu xoojiyo shaxdiisa wuxuuna sameeyay dhaqaaq uu isugu dayayo inuu Sanches ka hor xado kooxda reer Talyaani.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip