James Rodruguez Oo Xaaskiisa Furay Ka dib 6 sano oo ay is Qabeen

0
Friday July 28, 2017 - 20:07:37 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Rodruguez Oo Xaaskiisa Furay Ka dib 6 sano oo ay is Qabeen

    Jimco-Germany

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco-Germany
Kubad sameeihii Hore Real Madrid Oo Haatan ka Tirsan Bayern Munich James Rodriguez iyo xaaskiisa Daniela Ospina oo walaal la ah goolhayaha Arsenal ayaa kala tagay muddo lix sano ah kadib.



Wararka xanta ah waxey sheegayaan in labadaan lamaane ay dhawr bilood  isku dhacsanaayeen iyadoo maamulaha gabadhaan Tatiana Zuluaga uu haatan xaqiijiyay in labada shaqsi ay si dhab ah u kala qeybsameen.




"Daniela Ospina iyo James Rodriguez oo waalid u ah Salome Rodriguez Ospina, waxey si rasmi ah u kala qeybsameen muddo lix sano iyo bar kadib guurkooda” ayey u qorneed warbixin lagu shaaciyay barta bulshada.



Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in wax walba ay ku dhamaadeen si aan dhib ku jirin isla markaana labada dhinac ay go’aansadeen.



Warbixinta waxey intaas ku dareysaa in labada lamaane ay dhib isku qabeen madama xidigaan uu dalal badan u kala gooshay sanadahii ugu dambeeyay sida France, Spain & Germany, sidoo kalana gabadhaan sidoo kale ciyaarta volleyball ahna Model uu fadhigeedu yahay Colombia.



Si kastaba labadaan lamaane ee mudada dheer is qabay waxey is guursadeen iyagoo da’yar, James wuxuu jira 19-sano halka Ospina ay jirtay 18-sano.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip