5-Sababood Oo Kugu Khasbaya inaad daawato Kulanka Arsenal Vs Manchester United iyo Waliba Line-Up-ka Ugu Macquulsan labada kooxood.

0
Sunday October 04, 2015 - 14:25:16 in Wararka by Kubad Bile
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5-Sababood Oo Kugu Khasbaya inaad daawato Kulanka Arsenal Vs Manchester United iyo Waliba Line-Up-ka Ugu Macquulsan labada kooxood.

    ​(Kubadbile) Taageerayaasha kubadda cagta ingiriiska ayaa waxay sugayaan kulanka ugu muhiimsan ee isbuuca 8-aad horyaalka dalka Ingiriiska .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

​(Kubadbile) Taageerayaasha kubadda cagta ingiriiska ayaa waxay sugayaan kulanka ugu muhiimsan ee isbuuca 8-aad horyaalka dalka Ingiriiska .





Waxaana rajaynayaa dadka horyaalka ingiriiska taageeraa in kulankani noqdo kulan aad u xiisa badan , kulanka oo loo yaqaana ceeryaamada London kulanka oo ka dhacaya garoonka Emarat maanta oo Axad ah .

 


Kulankan ayaa waxaa aad loogu yaqaanaa inuu yahay kulan aad u xiiso badan labada kooxoodna ay yihiin laba kooxood oo aad u xifaaltama taariikh dheerna ku leh horyaalka ingiriiska .

 



-hadaba waxaan idiin soo gudbinaynaa 5-sababood oo khasab kaaga dhigaysa inaad kulankan daawato:

 

1. Kooxa Arsenal waxa ay doonaysaa inay carada taageerayaasheeda ku damiso shabaqa Man U.

 


Kadib markii Arsenal laga adkaaday laba kulan oo xiriir ah dhanka koobka horyaalada Yurub iyagooGroup-kooda kaalinta ugu hooseysa kaga jira iyadoo kooxdu ay sugayso bilow cusub oo wanaagsan.

 


2. Manchester United waxay doonaysaa inay sii wadato bandhigeeda wanaagsan.

 

Tababaraha kooxda Manchester united Van Gaal ayaa doonaya inuu garoonka Emaratis kala baxo 3-dhibcood isla markaana uu muujiyo inuu diyaar u yahay hanashada horyaalka sanadkan.

 


3. Dagaal Taktico oo ka dhexeeya Wenger iyo Van Gaal.

 

Van gaal ayaa doonaya inuu dib u cusboonaysiiyo guushiisii sanadkii hore uu ka gaaray kooxda Arsenal kadib markii uu 1-2 ku garaacay kooxda Arsenal sanadkii hore horyaalka dalka ingriiska , laakiin Wenger ayaa rajaynaya inuu guul ka gaaro kooxda Man U.

 


4. Manchester United waxay haysataa Record fiican kulamadakooxda Arsenal .

 

Afartii kulan ee horyaalka dalka ingiriiska ugu dambeeyay Arsenal kamay adkaan kooxda Man U , sidaas oo kale 8-dii kulan ee ugu dambaysay 5-kamid ah waxaa guulaystay Man U, 3-kamid ahna waxay ku dhamaatay barbarro, Man U waxay dhalisay 17-gool halka Arsenal ay dhalisay 7-gool oo kaliya , guusha Arsenal ee PL-ka ee dhanka Man U waxay maraysaa meesheedii ugu hoosaysay %24 oo kaliya , taas oo macneheedu tahay markii labada kooxood ay kulmaan in Arsenal ay guuldaraysanayso %76, tiradaas oo muujinaysa in waxaan sugnaaba ay tahay in Arsenal laga adkaanayo, waana wax aanay marnaba ku farxi doonin taageerayaasha Arsenal.

 

 

 


5. Xidigo waaweyn oo u baahan inay is muujiyaan.

 

Kulamada noocan oo kale ahi waa kulamada ay laacibiintu isku muujiyaan , gaar ahaan xidigii dhawaan la waayay waayo fiicanna aan ku naaloonayn.

 

-Line up-ka la fili karo labada kooxood .

Arsenal :

Petr Cech , Gabriel Paulista , Per Mertesacker Hector Pellerin , Nacho Monreal , Santi Cazorla , Francis Kokolan , Aaron Ramsey , Ozil , Alexis Sanchez , Theo Walcott.

 

Manchester United:

 

De Gea and Chris Smalling , Daley Blind , Matteo Darmian , Ashley Young, Michael Carrick , Bastian Schweinsteiger , Memphis Debye , Wayne Rooney , Juan Mata , Anthony Martial



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip