DAAWO: Everton iyo Sevilla oo wada kulmay

0
Monday August 07, 2017 - 10:48:28 in Wararka by MM Shooble
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: Everton iyo Sevilla oo wada kulmay

    isniin-SPAIN.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isniin-SPAIN.
Kooxaha Everton iyo Sevilla ayaa ku kala baxay barbar dhac 2-2 ah ciyaar ku dhex martay garoonka Goodison Park.

Waxay ku qaadatay in ka yar 34 ilbidhiqsi kooxda martida loo ahaa inay hogaanka ugu qabato markii Tom Davies kubad u dhigay Sandro Ramirez, kaas oo si fiican ula dhaafay kubadda goolwade David Soria kuna shubay shabaqii oo haawanaya.

Naadiga horyaalka La Liga ka ciyaara, waxay la yimaadeen goolka barbar dhaca ciyaarta ka dhigay, wax yar kadib markii la isugu soo noqday qaybta labaad, kaas oo uu Joaquin Correa u salaxay Ever Banega oo isna dhaliyey, ka hor intii aanu isla Banega goolka labaad raacinin kaas oo ahaa rigoodhe khalad Gareth Barry ka galay Nolito xerada ganaaxa dhexdeeda.



Laakiin, kooxda lagu naanayso Toffees ayaa iska soo beday, markii Kevin Mirallas xerada ganaaxa dhexdeeda lagu dhex legday ee uu kor baxay Nicolas Pareja, laacibka xulka Belgium ayaa isagu rigoodhahaas shabaqa ku hubsaday.
" frameborder="0" allowfullscreen>


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip