Falanqeynta Kulanka Uefa Super Cup Real Madrid vs Man United

0
Tuesday August 08, 2017 - 11:17:24 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Uefa Super Cup Real Madrid vs Man United

    Talaado- Mecedonia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Mecedonia


 

caawa Kulanka: Real Madrid vs Manchester United


Tartanka: UEFA Super Cup 2017


Wakhtiga: 9:45 habeenimo


Garoonka: Philip II Arena, Skopje (Macedonia).


 

 

Kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ayaa isaga hor imaan doona kulanka Uefa Super Cup oo ay wada ciyaaraan kooxaha ku kala guulaysta koobka horyaal;ada Yurub iyo Koobka Uefa Europe League.



 

United oo xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay koobabka Europe League iyo League cup-ka ayaa kulankan soo galay iyaga oo isha ku haya hanashada koobka Uefa Super Cup.


 

Dhanka kale Real Madrid oo markii labaad oo xiriir ah ku guulaysatay koobka horyalada yurub sidoo kale muddo dheer kadib ku guulaystay horyaalka Spain La liga ayaa il gaar ah k hayn doontra koobkan.


 

XAQIIQOOYINKA KULANKA:


 

Man United ayaa ku guulaysan karta koobkoodii labaad ee European Super Cup kadib markii ay 1991 ku guulasatay koobkan kana qaaday kooxda Red Star Belgrade.


 

Man United ayaa noqon karta kooxda labaad ee England ah ee ku guulaysata koobab kala duwan oo europe ah marka laga yimaado kooxda Liverpool oo saddex jeer ku guulaysatay.


 

Macalin Jose Mourinho ayaa ku guuldaraystay labadii kulan European Super Cup intii uu tababaraha ahaa sanadkii 2013 oo ay Bayer ka qaaday waxa uu tababare u ahaa Chelsea iyo sanadkii 2003 oo ay ka qaaday Milan waxa uu tababare u ahaa Fc Porto, w laakiin wali kumuu guuldaraysan saddex jeer.


 

Jose Mourinho ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee maamula saddex kooxood kana qayb qaata koobka European Super Cup.


 

Kooxaha reer Spain ayaa ku guulaystay 7-ba ka mid ah 8-dii European Super Cups ee ugu dambeeyay.


 

Kooxdii ugu dambaysay ee Europa League ku guulasata kadibna ku guulaysata Europe Super cup ayaa ahayd kooxda Atletico Madrid sanadkii 2013 iyaga oo ka qaaday kooxda Chelsea oo wakhtigaas ku guulaysatay champions league.


 

Kaliya kooxaha Barcelona iyo Ac Milan ayaa ugu badan ku guulaysiga European Super Cup waxana ay ku guulaysteen 5 jeer waxa ku soo xigta Real Madrid oo ku guulaysatay saddex jeer.


 

Cristiano Ronald ayaa dhaliyay 108 gool dhammaan tartamada yurub oo ay ku jiraan laba gool oo European Super Cup ah.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip