Barcelona Ayaa Weji Gabax Kala Kulantay Kooxda Lagu Naa neeso BVB

0
Friday August 11, 2017 - 11:21:58 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Ayaa Weji Gabax Kala Kulantay Kooxda Lagu Naa neeso BVB

    Jimco- Germany

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco- Germany






Borussia Dortmund ayaa xaqiijisay inay soo diiday dalab kaga yimid Barcelona oo looga doonayay xiddig yarahooda Ousmane Dembele.




Barca aya waqti dheer lala xiriirinayay 20-jirka reer France balse talaabo u soo qaaday xiisaheeda kaddib markii ay 222 milyan Neymar uga iibisay kooxda Paris Saint-Germain iyadoo wararka qaar ayba sheegayaan inuu laacibku kol horeba ogolaaday inuu u dhaqaaqo dhankooda.






Inkastoo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda reer Germany Michael Zorc uu sheegay inaan wax heshiis ah la gaarin, misane qiyaas fikradeedka laga qabo inuu laacibka tagayo ayaa hawada isku sii shareeray maanta marka uu tababare Peter Bosz shaaca ka qaaday in Dembele uu seegay tababarka isla markaana aan la ogeyn meel uu cirib iyo jaan dhigay.



Wax yar kaddib kooxda Dortmund ayaa soo saartay warbixin rasmi ah ay ku sheegeyso inuu dalab ka soo gaaray Barcelona balse la diiday maadaama uusan u qalmin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip