Morocco oo damacsan in ay marti geliso koobka aduunka ee sanadka 2026

0
Saturday August 12, 2017 - 11:48:22 in Wararka by MM Shooble
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Morocco oo damacsan in ay marti geliso koobka aduunka ee sanadka 2026

    MOROCCO-SABTI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MOROCCO-SABTI

Xiriirka kubadda cagta ee Morocco ayaa sheegay in dalku u tartami doono marti gelinta koobka aduunka ee 2026-ka.

Maalinta kama dambaysta ah ee ay dalalku soo gudbinayaan codisyadooda ayaa ah Jimcaha, ka dib marka ay soo wada gudbistaan codsiyadoodana waxa shaacin dootaa Fifa in ay soo gaadheen codsiyadaasi.

Maraykanka, Canda iyo Mexico ayaa bishii Abriil sheegay in ay danaynayaan in ay codsiyadooda gudbiyaan.

Koobka dunida mar qudha uun baa Afriki marti gelisay, taas oo ahayd 2010-kii oo Koonfur Afrika marti gelisay, dalabkan Morocco na wuxu noqon doonaa keedii shanaad.

Xidhiidhka kubadda cagta Afrika CAF ayaa taageeray codsiga Morocco bishii July.

Wadarta guud ee kooxaha ka qayb gali doona tartanka 2026 ayaa noqon doona 48 halka ay haatan ka tahay tiradu 32 kooxood, isbedelkaasna waxa Fifa go'aamisay horraantii sannadkan.

Go'aanka cidda ku guulaysata marti gelinta tartanka sannadkaas waxa la shaacin doonaa sannadka 2020-ka.

Siyaasadda Fifa ee kaltanka tartanka ayaa ah in afar xidhiidh oo qaarad keli ah ka socda midood ku guulaysto marti gelinta tartanka sanadka 2026-ka. Sanadka 2018 waxa ku guulaysatay Yurub oo waxa lagu qaban doonaa Ruushka, sannadka 2022 kana waxa heshay Aasiya oo waxa marti gelin doonta Qatar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip