Guddoomiyihii Garsoorayaasha Kubbada Cagta Soomaaliya, Cusmaan Diraac oo Muqdisho lagu dilay

0
Friday August 18, 2017 - 11:37:52 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Garsoorayaasha Kubbada Cagta Soomaaliya, Cusmaan Diraac oo Muqdisho lagu dilay

    Jimco--Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco--Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Xalay magaalada Muqdisho ku dilay guddoomiyihii xiriirka garsoorayaasha kubbada cagta Soomaaliyeed Cusmaan Jaamac Diraac.


Dilka ayaa la sheegay inay geysteen dad ku hubeysan bastoolado waxaana la diley marxuumka isagoo ka soo laabtay Salaada Cishaha masjid ku yaal xaafada Xamar Bile ee degmada Warta Nabadda.


Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay ka hor inta aysan ciidanka ammaanka goobta gaarin. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka guddoomiyihii guddiga garsoorayaasha ee xiriirka kubadda cagta Soomaaleed.



Tani waa dhacdo dhabarjab ku noqon karta kubadda cagta Soomaaliya oo soo kabasho weyn sameyneysay 6-dii sano ee lasoo dhaafay, waxayna noqoneysaa mid ka mid ah dhacdooyin ay ku dhinteen ciyaartoy iyo Macallimiin kubadda cagta ah oo Sanadkan gudihiisa ka dhacay Muqdisho iyo daafaheeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip