Daaficii Diirada u saaranaa Kooxda Man United oo ku Biiray Koox ka dhisan horyaalka EPL ka

0
Saturday August 26, 2017 - 06:21:17 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daaficii Diirada u saaranaa Kooxda Man United oo ku Biiray Koox ka dhisan horyaalka EPL ka

    Sabti-Franca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-Franca




SERGE AURIER ayaa tijaabada caafimaadka u maray ka hor inta uusan £ 23million ugu dhaqaaqin Tottenham, sida ay sheegayaan wararka.



Paris Saint-Germain ayaa durbadiiba ogolaatay inay iska iibiso daafaca midig ka dib markii uu yimid Dani Alves kooxda PSG xagaagaan.

Serge Aurier ayaa lagu soo waramayaa inuu tijaabada caafimaadka u maray ka hor inta uusan ku biirin Spurs




Manchester United ayaa sidoo kale heshiis shaqsi ah la gaartay Aurier bishaan, laakiin sida Muuqata waxaa kaga guulestay  Tottenham.

Dhibaatooyinka sharciga ee ku hareereysan xiddiga Ivory Coast ayaa hakad ku jira inay u dhaqaaqaan Premier League.



Aurier, oo 24 jir ah, ayaa sugaya caddaynta ruqsadda shaqada ka dib markii lagu soo oogay dambiga lagu helay bishii Sebtembar.



Laakiin wargeyska L'Equipe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka gudbiyo kanaalka sida ugu dhakhsaha badan isagoo caafimaad u maraya Paris.



Heshiiska ayaa lagu dhawaaq doona maalmaha soo aadan, iyadoo daaqada suuqa kala iibsiga ku xirnaan doonta hal todobaad.


Spurs ayaanan weli bedelin badalka Kyle Walker ka dib markii ay 50 milyan oo ginni ay kaga iibiyeen kooxda  Manchester City .

W-D Abdirahman Abduqadir Maankiz


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip