Daafaca Kooxda PSG Marquinhos Muxuu ka Yiri Arinta Kylian Mbappe

0
Saturday August 26, 2017 - 10:30:45 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daafaca Kooxda PSG Marquinhos Muxuu ka Yiri Arinta Kylian Mbappe

    Sabti- Franca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Franca





 Daafaca Paris Saint-Germain Marquinhos ayaa diyaar u ah inuu ku soo biiro kooxda  PSG Kylian Mbappe.Marquinhos ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisa Paris Saint-Germain ay sugayaan xiddiga Monaco Kylian Mbappe si uu ugu biiro kooxda Ligue 1.




Ka dib markii  Neyma lacag dhan 222 milyan oo ginni uu kaga soo tagay Barcelona, ​​PSG waxa ay diirada u saarneyd 18 jirkaan Mbappe, kaasoo la sheegay inuu u dhaqaaqayo caasimada Faransiiska.





Mbappe ayaa dhaliyay 26 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Monaco ay PSG ku garaacday Ligue 1 isla markaana waxay gaartay semi-finalka Champions League.




Daafaca reer Brazil Marquinhos ayaa yiri: "Waxaan sugeynaa xaqiijin, weli ma aanan ogeyn, waxaan fiirineynaa waxyaabaha ku jira internetka, wali waan sugeynaa" ayuu sii raaciyay Mbappe ka dib markii PSG ay 3-0 kaga badisay Saint-Etienne.




"Mashruuca PSG waa mid aad uwanaagsan, waa inaad hami weyn noqotaa, waa inaad heysataa ciyaaryahano waaweyn, xiddigo waaweyn.




"Waa ciyaaryahan ah kan isbedelay Monaco, hadii uu halkaan yimaado, waxa uu inaga rabaa wax badan."



Haddii uu yimaado Mbappe  kooxda PSG la filayo, weeraryahanka kooxda PSG Lucas Moura ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu isaga tago kooxda PSG.




W/D Abdirahman Abduqadir Maankiz



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip