Kubadda Koleyga: Dekedda oo garaacday BSC , xilli Cadde uu noqday Xiddiga garoonka+Sawirro

0
Saturday August 26, 2017 - 13:19:59 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kubadda Koleyga: Dekedda oo garaacday BSC , xilli Cadde uu noqday Xiddiga garoonka+Sawirro

    Sabti- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Muqdisho

Naadiga kubadda Koleyga Dekedda ayaa guul ka gaaray Naadiga Banaadir SC oo ay ku loolameen kulan katirsan Horyaalka kubadda koleyga 2017-18.


Kulankan oo ahaa kulanki 22 ee horyaalka ayay kooxda Dekedda ku bilowday dardar xooggan waxaana qeybta hore lagu kala nastay 38-13 oo ay Dekedda ku horkaeyso.


Marki laysku soo laabtay Wiilasha Dekedda ayaa halkooda kasii waday weerarkooda waxayna qeybta saddexaad lagu maray 24-14 taasoo wadarta guud ka dhigtay 57-27 oo ay 30 dhibcood hogaanka ku hayso Dekedda.



Naadiga Banaadir ayaa qeybta afaraad ee ciyaarta wax ka badalay qaab ciyaareedkooda, waxayna dhaliyeen goolashi ugu quruxda badnaa iyadoo dadweyanah garoonka ku sugnaa ilowsiiyay hogaanka fog ee Banaadir ciyaarta lagu hogaaminayay , waxayna qeybta afaraad natiijadeeda noqtay 28- 20 oo ay Banaadir gacanta Sare ku leedahay basle waxba kama badalin hogaanka ciyaarta waxayna wada guud natiijada noqotay 72-55 oo ay guusha ku raacday Dekedda.


Xiddiga No- 8 C/raxmaan Xuseen Cadde ayaa noqday laacibka ciyaarta isagoo dhaliyay 25 dhibcood isla markaana ahaa laacibka dhibcaha ugu badan ee kulanka dhaliyay .


Dekedda ayaa horyaalka ku horkaceysa 12 dhibcood kadib 6 kulan oo ay ciyaartay, waxyna kulankeeda xiga la ciyaari doontaa kooxda Plasma.


Banaadir ayaa dhankeeda kulanka xiga la dheeli doonta kooxda Jubba Airways




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip