DAAWO: Manchester United 2-0 Leicester,United oo hogaanka kali ku noqotay.

0
Saturday August 26, 2017 - 22:01:48 in Wararka by MM Shooble
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: Manchester United 2-0 Leicester,United oo hogaanka kali ku noqotay.

    England - Premier League

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

England - Premier League

Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku marti qaaday kooxdaLeicester City ,ayagoo wada ciyaaray kulan xiisa badnaa oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Ciyartan ayaa ahayd mid xiisa badan,Man United ayaa garoonka soo gashay ,ayadoo doonaysay in ay gaarto guusheedii sedaxaad oo xiriir ah.

Ciyaarta ayaa ku bilaawatay si der der leh,labada kooxood ayaa si cajiib ah u ciyaaray daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 0-0,Man United ayaana fursadaha ugu badan qasaarisay.

Qaybtii labaad markii ay bilaawatay daqiiqadii 53-aa,Man United ayaa lagu Abaalmariyay Gool kulaad,waxaana goolku laadkii loo dhigay ka qasaariyay laacibka lagu magacaaboRomeluLukaku.

Man United oo yaaban ayaa badal sameesay daqiiqadii 67-aad,waxa ayna ku kentayMarcusRashford oo badalay Mata.

Sedax daqiiqo ka dib,MarcusRashford ayaa Man United gool cajiib ahaa u dhaliyay,ayadoo uu goolkaas caawintiisa lahaaHenrikMkhitaryan.

Man United ayaa mar kale badal sameesay,waxa ayna badal ku keentayMarouaneFellaini oo badalayHenrikMkhitaryan,balse Fellaini ayaa Man United u dhaliyay goolkii labaad daqiiadii 82-aad.

Ugu danbeentii ciyaarta aya ku soo dhamaatay 2-0 oo ay badisay Man United,waxa ay sedaxdii kulan oo ay ciyaartay dhalisay 10 gool,ayadoo aana laga dhalin wax gool ah.

Man United ayaa hada hogaaka kali ku noqotay,ayadoo ay kooxihii isku dhibcaha ahaayen dhamaantoot la celiyay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip