Aqrsio: Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Saaka Oo Talaado Ah.

0
Tuesday August 29, 2017 - 10:21:35 in Wararka by MM Shooble
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqrsio: Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Saaka Oo Talaado Ah.

    ENGLAND-TALAADO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ENGLAND-TALAADO

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.

Liverpool ayaa diyaar u ah inay 135 milyan oo ginni ku soo iibsato Virgil van Dijk iyo Thomas Lemar - ka dib markii ay Nabi Keita kula soo wareegtay rikoorka suuqa kala iibsiga.



Luke Shaw ayaa qandaraaska loo kordhin doonaa 12ka bilood ee soo socda, sidaasi darteed Manchester United ayaa raadsatay daafac cusub.


Tottenham ayaa laga yaabaa inay seegto saxiixa weeraryahanka Paris Saint-Germain Serge Aurier, madaama uu jecel yahay inuu u dhaqaaqo Manchester United.


Manchester United, Arsenal, Everton iyo Chelsea ayaa guuldarro kala kulmay Bayern Munich tartanka loogu jiro xiddiga reer Holland ee Josh Zirkzee.


West Brom tababaraheeda Tony Pulis ayaa dib u dalabanaya daafaca kooxda Arsenal ee Kieran Gibbs isagoo ku doonaya £ 13m


Ravel Morrison ayaa fursad u leh inuu xirfadiisa ciyaareed ku soo nooleeyo Mexico
Hull City ayaa rajeyneysa inay Jackson Irvine kula soo wareegto heshiis 2 milyan oo ginni ah ,asiga oo maanta kaga imaanaya kooxda Burton Albion.


West Brom ayaa £ 37m ku dooneysa bartilmaameedka Man City Jonny Evans
Watford ayaa u muuqata mid weyn doonta saxiixa ay ku doonayaan Jerome Sinclair.


INTAA WAA WARARKA THE SUN


Chelsea ayaa ku dhow inay 75 milyan oo ginni kula soo wareegto Alex Oxlade-Chamberlain iyo Danny Drinkwater.


Sam Allardyce ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto Crystal Palace - kaliya seddex bilood ka hor,markii shaqada kooxda laga buriyay.


West Ham ayaa u soo bandhigtay Sporting Lisbon qiima lacageed oona la shaacin oo ay ku doonayaan ciyaaryahankdaa William Carvalho.


INTAAN WAA WARARKII daily express


Manchester City ayaa la filayaa inay dalab cusub u dirto Jonny Evans ka dib markii Leicester ay ku guul darreysatay dalab 21 milyan ginni ah.


Slaven Bilic ayaa la siiyay afar kulan oo Premier League ah si uu u badbaadiyo shaqadiisa ka dib markii West Ham ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka adag.


Xiddiga Nice Jean Seri ayaa siiyay Liverpool iyo Arsenal si uu ugu saxiixo heshiiskiisa - isagoo sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee Yurub.


Shkodran Mustafi ayaa diyaar u ah inuu u dhaqaaqo Italy iyadoo Arsenal ay wadahadal kula jirto Inter Milan.


Brighton ayaa la siiyay fursad ay kula saxiixan karto daafaca Arsenal Mathieu Debuchy.
Swansea City ayaa lagu wadaa inay ku biirto tartanka Renato Sanches ee Bayern Munich madaama ay raadinayaan bedelka Gylfi Sigurdsson.


INTAA WAA WARARKII daily mirror


Tababare Arsene Wenger iyo shaqaalihiisa tababarenimo ayaa iskugu yimid kulan deg deg ah,kadib guuldaradii Anfield .


Tababaraha Crystal Palace Frank de Boer ayaa diyaar u ah inuu dalbado Jose Fonte si uu badbaadiyo shaqadiisa.


Newcastle ayaa diyaar u ah inay dalab u dirto weeraryahanka heerka caalami ee dalka Spain ee lagu qiimeeyo 8 milyan ginni Vidar Orn Kjartansson.


INTAA WAA WARRAKII daily star

 


Jonny Evans ayaa sugaya Ku biirista Manchester City ,balse waa in ay heshaa kooxda uu ka tagaayo nika lagu magacaabo Eliaquim Mangala ka hor inta uusan xremin suuqa Isbuucaan.


Slaven Bilic ayaa la siin doonaa fursad uu dib ugu soo nooleeyo West Ham ka dib qaab ciyaareed wanaagsan oo uu la yeeshay madaxda kooxda.


Jack Butland ayaa indhaha ku haya in uu noqdo goolhayaha NO:1 England kulamada isrebrebka ee Koobka Aduunka ee ay wajahayaan England Malta iyo Slovakia.


Crystal Palace ayaa la kulantay West Brom iyo Leicester iyadoo Liverpool ka dooneysa Mamadou Sakho

 


Palace, Stoke iyo West Brom ayaa doonaya inay Tottenham kala soo wareegaan Vincent Janssen


Leicester ayaa dooneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Gregor Krychowiak


Crystal Palace ayaa qarka u saaran inay ceyriso Frank de Boer


Liverpool ayaa dooneysa inay la soo wareegto Thomas Lemar kaasoo laga yaabo inay kaga faaideesato xiisaha ay u qabto Monaco Divock Origi.


Zlatan Ibrahimovic ayaa rajeynaya inuu mar kale diyaar u noqdo kulanka Manchester United ka hor Christmas.
West Ham ayaa u sheegtay Slaven Bilic inuu heysto afar kulan kale oo horyaalka ah si uu u badbaadiyo shaqadiisa


Leicester ayaa isku diyaarineysa inay la tartanto Man City ay ku dooneyso daafaca West Brom Jonny Evans


Norwich ayaa ku dooneysa £ 3.5m si ay ula soo saxiixato daafaca dhexe ee kooxda Bristol City Aden Flint


Birmingham ayaa ka fikireysa inay u dhaqaaqdo daafaca dambeedka dhexe Brentford Harlee Dean

 

 

Crystal Palace ayaa ka fiirsaneysa inay dib u soo ceshato Sam Allardyce si ay u bedesho Frank de Boer


Everton ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto Nikola Vlasic oo ay kala soo wareegayso Hajduk Split

 


Chelsea ayaa weli raadineysa Danny Drinkwater iyo Ross Barkley xitaa haddii ay la soo wareegaan Alex Oxlade-Chamberlain

 


Liverpool ayaa heshiis rikoor ah oo 51 milyan ginni ah kula soo saxiixatay Naby Keita



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip