Rasmi: Liverpool oo heshiis rikoor ah kula soo wareegtay xiddiga Naby Keita

0
Tuesday August 29, 2017 - 12:51:08 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi: Liverpool oo heshiis rikoor ah kula soo wareegtay xiddiga Naby Keita

    talaado -Germany

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

talaado -Germany





 Liverpool ayaa xaqiijisay heshiiska ay kula soo wareegayaan xiddiga khadka dhexe Naby Keita xagaaga danbe.



Xiddiga khadka dhexe ee Guinea ayaa kooxda Liverpool si rasmi ah ugu biiri doona 1da bisha July 2018, waxaana uu maray tijaabada caafimaadka, isagoo noqday xiddiga haatan ugu qaalisan taariikhda Liverpool, waxaana uu ka hadlay heshiiska uu ugu wareegay Reds.




"Waxaan aad ugu faraxsanahay in la gaaray heshiis ii ogolaanaya inaan ku biiro Liverpool FC xagaaga danbe, markaasoo aan qeyb ka noqon doono howl aad ii xiiso gelineysa” ayuu yiri Keita oo 22 sanno jir ah




"Inta ka hartay waqtigeyga kooxda RBL waan u heelanaan doonaa. Dadaalkeyga ugu danbeeya ayaan ku bixiyay waqti walba oo aan maaliyadaan xirnaa, sidaasi ayayna noqon doontaa ilaa iyo kulankeyga ugu danbeeya.




"Inaan mustaqbalkeyga xal u helay waxa ay la micno tahay inaan ka caawin karo RBL inay meelo waa weyn gaaraan xilli ciyaareedkan. Ilaa iyo aan ku biirayo kooxdeyda cusub xagaaga danbe, waxaan ahaan doonaa mid meel dheer ka soo taageera.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip