War cusub: wakiilka caanka ah ee Jorge Mendes oo soo gaaray Barcelona siduu u dhameeyo heshiiska Angel di Maria

0
Tuesday August 29, 2017 - 12:51:08 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War cusub: wakiilka caanka ah ee Jorge Mendes oo soo gaaray Barcelona siduu u dhameeyo heshiiska Angel di Maria

    Talaado- Spain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Spain  






wakiilka caanka ah Jorge Mendes Ayaa gaaray Barcelona si uu u dhameeyo labo heshiis oo midna uu imaanayo kooxda midna uu ka tagayo.

Andre Gomes ayaa la filayaa inuu u ambabaxo kooxda Talyaaniga ee Juventus, halka Angel di Maria uu ka imaan doono Paris Saint-Germain, inkastoo labada xaaladood ay yihiin kuwa waqtiga uu ku dhamaanayo hadana Barcelona ayaa ku rajo weyn in la dhameystiro ka hor inta uusan suuqa xirmin habeenka Khamiista.






Inkastoo Mendes uu yahay wakiilka xiddiga baxaya ee Andre Gomes, waa ay kala tageen Angel di Maria, laakiin waxaa loo keenay inuu heshiiska ka noqdo dalaalka u dhaxeeya PSG iyo Barcelona kuwaasoo xiriirkooda uu xumaaday tan iyo markii uu Neymar u wareegay kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska.




Labada madaxweyne ee Nasser Al-Khelaifi iyo Josep Maria Bartomeu ayaa ku aaminaya Mendes inuu dhamesytiro heshiiska Di Maria.



Ciyaaryahanka ayaa shaqsi ahaan doonaya inuu ku laabto Spain oo uu ka garab ciyaaro xiddiga ay isku wadanka yihiin ee Lionel Messi, waxaana ay PSG rajeyneysaa inay ku hesho lacagtii 50ka milyan yuro ee ay ka soo bixiyeen.





PSG ayaa ka warqabta in xagaagan uu yahay fursadii ugu danbeysay ee lacag intaas la eg ay ku heli karaan Di Maria, iyadoo uu qiimihiisa noqon doono kala bar lacagtaas xagaaga danbe madaama uu geli doono sannadkiisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip