Liverpool oo weji gabax kala kulantay kooxda AS Monoco

0
Tuesday August 29, 2017 - 12:51:08 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo weji gabax kala kulantay kooxda AS Monoco

    Talaado- Franca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Franca  






Kooxda horyaalka France ku soo guulasyatay ee AS Monaco ayaa meel adag iska taagtay in uu kooxdeeda ka baxo Thomas Lemar waxayna soo diiday laba dalab oo ay Liverpool xidigan ka gudbisay. Liverpool ayaa saacadihii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ku qaaday olole wayn waxayna ku guulaysatay in ay kooxda RB Leipzig heshiis kala gadaho Naby Keita laakiin dalab hami wayn xambaarsanaa oo ay Reds ka gudbisay Thomas Lemar ayaa soo guuldaraystay.





Sida uu Sky Sports News shaaca ka qaaday kooxda AS Monaco ayaa soo diiday laba dalab oo ay Liverpool ka gudbisay Thomas Lemar iyada oo waliba dalabka ugu danbeeyay uu ku qiimaysnaa 70 milyan euros oo u dhiganta 64.8 milyan pound laakiin kooxda Monaco ayaa si adag dalabkan u soo diiday.

Image result for lemar



Waxaa hore loo sheegay in dalabkii ugu horeeyay ee Liverpool uu ahaa 55 milyan gini balse isla markiiba Liverpool ayaa horumarin ku samaysay dalabkeeda balse jawaabta Monaco ayaa noqotay in Lemar aanu xagagan kooxdeeda iib ka ahayn kadib markii ay hore u lumisay Bernardo Silva iyo Benjamin Mendy oo Man City ku biiray si la mid ah Bakayoko oo Chelsea hadda ka ciyaara halka Kylian Mbappe uu arka u saaran yaahy in uu PSG ku biiro.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip