Halyeey Hore Arsenal usoo maray oo Rashford u saadaaliyay inuu ku guuleysan karo Horyaalka iyo Champions League

0
Saturday September 02, 2017 - 10:53:15 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyeey Hore Arsenal usoo maray oo Rashford u saadaaliyay inuu ku guuleysan karo Horyaalka iyo Champions League

    Sabti- London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- London



Ian Wright ayaa sheegay in Marcus Rashford uu u qaadi karo Manchester United Koobka Champions League. Marcus Rashford waa 19 sano jir ka qeyb ah xulka saddaxda Libaax tan iyo markii uu soo baxay 2016-kii biloowgeedii asiga oo ka qeyb galay ciyaarihii Euro 2016-ka ka dhacay France.


 

 

Wiilkaan caruurta United ka soo dalacay ayaa dhaliye 2 Gool oo muhiim ahaa kulankiisii koowaad ee uu United u saftay sidoo kale kulankii uu Qaranka Ingiriiska uu saftayna waxaa uu dhaliye gool asiga oo 4 Koob kula guuleestay Man United tan iyo xilligaas.



 

Marcus Rashford ayaa carabka ku dhuftay inuu doonaayo inuu ku guuleestaa Koob walbo oo ay macquul tahay in laacib uu qaadaa inta uu ciyaaraayo. Rashford ayaa sheegay inay macquul tahay in 2018-ka ay macquul tahay in United ay qaadaa UCL, England ay macquul tahay in ay qaadaan Koobka Aduunka kadib markii ITV ay wareeysi ka qaadeen Marcus.


 

Wright ayaana la dhacay hamiga Marcus wuxuuna sheegay inuu maalin uun laacibkaan ku guuleeysan doono Champions League, uuna ku taageeraayo inuu gaari doono hamigiisa.


 

Rashford ayaa hore u sheeegay inuu sanadkaan ku riyoonaayo ku guuleeysiga Horyaalka iyo Champions League. Ian ayaana aaminsan inuu Rashford awoodo inuu United u qaadaa Champions League.


 W/D: Owzebio




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip