Barcelona oo sheegtay in Messi uu saxiixay heshiis cusub

0
Tuesday September 05, 2017 - 16:45:49 in Wararka by MM Shooble
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona oo sheegtay in Messi uu saxiixay heshiis cusub

    TALAADO: BARCELONA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TALAADO: BARCELONA

Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa u sheegay wargeyska Diario Sport in heshiiska cusub ee Messi la saxiixay, wuxuuna diiday cabsida ah in koox ay bixin karto 300 oo Euro oo ah heshiis nasakhiisa, si ay ula wareegto.

Bartomeu ayaa sheegay in heshiis kordhiska Messi oo lagu dhawaaqay bishii July uu ka maqan yahay kaliya sawiradii muujinayey in la saxiixay, balse uu yahay heshiis rasmi ah.

Musharaxii hore ee madaxweynaha Barcelona Agusti Benedito ayaa billaabay mooshin ka dhan ah Bartomeu, oo uu doonayo in xilka laga qaadyo, wuxuuna ku eedeeyey arrimo ay ka mid yihiin in Messi uu si bilaash ah kooxda uga tagi karo.

Heshiiskii hore ee Messi iyo kooxda Barcelona ayaa dhacaya kadib dhammaadka xilli cayaareedkan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in heshiiska Messi iyo Barcelona la isku raacay kaliya, balse aan weli si rasmi ah loo saxiixin, taasi oo walaac ku abuurtay taageerayaasha Barca.

Haddii ay run tahay in heshiiska aan weli la saxiixin, islamarkaana Messi uu diido inuu saxiixo, wuxuu si bilaash ah uga tagi karaa kooxda kadib dhammaadka xilli cayaareedkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip