Netherlands oo noolaysay rajada ay ka qabto Koobka Adduunka

0
Tuesday September 05, 2017 - 17:01:48 in Wararka by MM Shooble
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Netherlands oo noolaysay rajada ay ka qabto Koobka Adduunka

    TALAADO: HOLAND

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TALAADO: HOLAND

Davy Propper ayaa labo gool dhaliyay iyadoo Netherlands ay sii noolaysay rajada ay ka qabto in ay u soo baxdo Koobka Adduunka ee xagaaga soo socda la qabanayo, ka dib markii ay ka badisay Bulgaria.

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela kooxda Brighton ee ka dheesha Horyaalka Ingiriiska ayaa dhaliyay gooshii koobaad ka hor intii uusan goosha labaad dhalinin Arjen Robben.

Georgi Kostadinov ayaa dhaliyay gool xor ah isaga oo rajo galiyay Bulgaria laakiin gool uu madaxa ku dhaliyay Propper ayaa xaqiijisay guusha Netherlands

Xulka Qaranka Netherlands ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta kooxaha A, waxaana ka horreeya Sweden oo kaalinta koobaad ku jirta iyo Faransiiska oo kaalinta labaad ku jirta.

Goosha Robben ayaa ahayd middii 34aad ee uu u dhaliyo dalkiisa wuxuuna ka dul maray Johan Cruyff oo ahaa ciyaaryahan caan ahaa oo haystay goolasha ugu badan ee qarankiisa loo dhaliyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip