Alves ayaa qirtay Ronaldo Inuu yahay Ciyaaryahankii ugu adkaa ee u wajaho

0
Tuesday September 05, 2017 - 17:34:45 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alves ayaa qirtay Ronaldo Inuu yahay Ciyaaryahankii ugu adkaa ee u wajaho

    Talaado-England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-England





Xiddiga reer Brazil ayaa sheegay inuusan ka soo horjeedin xiddiga reer Portugal, laakiin waxa uu sheegay in saaxiibadiisa hore ee Barcelona inay ka fiican yihiin.



Dani Alves ayaa qirtay in Cristiano Ronaldo uu yahay ciyaaryahanka ugu adkaa  ee uu wajaho xirfadiisa, lakiin waxa uu sii raaciyay Lionel Messi iyo Neymar inay ka sareeyaan.





Daafaca dambeedka midig ee reer Brazil ayaa ka soo horjestay xiddiga Real Madrid dhowr jeer oo uu xirfadiisa ciyaareed ku soo qaatay waqtigiisa ciyaareed ee Barcelona iyo Juventus, kaasoo ah xilli ciyaareedkii hore finalkii Champions League.



Si kastaba ha ahaatee, 34 jirkaan ayaa 8 xilli ciyaareed la soo qaatay Messi  waxaana uu aaminsan yahay in xiddiga reer Argentina uu yahay kan ugu weyn ee abid soo maray kubada Cagta, isagoo si gaar ah u sharaxay saaxiibkiisa Neymar.



Alves ayaa  sidaan ku Bilaabay "Waxaan dhihi karaa Messi [waa waqtiga ugu fiican] sababtoo ah waxaan arkay inuu ciyaaro kubad Mucjiso ah.



"Kuwii kale ee weynaa, waan maqli  Jiray oo kaliya  waxa ay dadku ku yiraahdaan, laakiin ma caddayn karo sababtoo ah ma aanan la ciyaarin.



"Waxaan dooranayaa Messi iyo Neymar, waa kuwa ugu quruxda badnaa ee aan arko."



Alves ayaa Hadalkiisa Sii raaciyay, " Dabcan Ronaldo Waa Ciyaar yahankii Ugu adkaa Ee aan wajaho Nolasheeda.



W-D Abdirahman Abduqadir Maankiz


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip