Messi oo seegi kara kulanka Seville, ogoow sababta

0
Thursday September 07, 2017 - 10:08:53 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi oo seegi kara kulanka Seville, ogoow sababta

    Khamiis- Spain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis- Spain



Haddii ay xulka Argetina ku hungoobaan inay si toos ah uga soo gudbaan isreebrebka koobka adduunka qeybta Koofur America messi ayaa seegi kara kulanka bisha Noverber la ciyaari doonaan kooxda Seville.


Kooxda kaalinta shanaad ku dhameysata ayaa si ay u hesho booskeeda koobka adduunka 2018 ka dhici doona Ruushka ciyaari doonta kulamo Play off, isreebreebka kale, iyadoo bisha Noverber 6-deeda ay Fifa u qorsheysay in la ciyaaro lugta koowaad.



Sidaa daraadeed haddii xiddigaha koofur America kasoo jeeda ee ka xamaasha La Liga looga yeero xulalkodoa midkooda ma ciyaari doono kulamada 11 ee horyaala , waxaana ka mid ah Messi , Suares iyo Javier Mascherano.


Sharcigu waxuu qabaa in ciyaartoyda waajibaadka qaran loogu yeero afar maalin ka hor kulanka iyadoo dalalka Uruguay, Colombia, Peru, Argentina, Chile iyo Paraguay ay yihiin kuwa ku dhameysan kara booska shanaad, waxaana suurta gal ah in ay saameyn ku yeelato xiddigaha u kala ciyaar kooxaha Spain.

halkan ka aqriso kulamada iyo kooxaha ay saamayn ku yeelan karaan haddii xulkoodu ku dhameysto booska shanaad ee isreebreebka


Barcelona-Sevilla: Messi, Mascherano, Mercado, Banega, Correa, Pareja, Pizarro (Argentina); Luis Suarez (Uruguay) iyo Muriel (Colombia)


Deportivo La Coruna-Atletico Madrid : Godin, Gimenez, Valverde (Uruguay); Correa and Augusto Fernandez (Argentina).Alaves-Espanyol: Romero, Hernan Perez (Paraguay); iyo Torres (Colombia).


Villarreal-Malaga: Bacca (Colombia); Ricca iyo Rolan (Uruguay).


Real Madrid-Las Palmas : Lemus (Uruguay).Real Sociedad-Eibar : Rulli (Argentina).


Levante-Girona : Stuani (Uruguay).


Celta-Athletic : Hernandez (Chile).


Valencia-Leganes : Orellana (Chile).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip