Giggs: Renato Sanches Waa ciyaaryahan ku hahoon Premier League

0
Sunday September 10, 2017 - 10:39:15 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Giggs: Renato Sanches Waa ciyaaryahan ku hahoon Premier League

    Axad-Premier League

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Premier League




Xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal Sanches ayaa qarka u saaran inuu kulankiisii ugu horeeyay ee Swansea ee Newcastle kula ciyaaro Maanta ka dib markii uu heshiis amaah ah uga soo wareegay Bayern Munich.



20 jirkaan ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiican da'yarka xulka Portugal markii uu ku guuleystay Euro 2016, laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu xilli ciyaareedkii hore ku soo laabto Bayern ka dib markii uu 32 milyan oo ginni uga soo wareegay Benfica.




"Ma uusan dhicin sannadkiisii hore ee Bayern," Giggs ayaa sidaasi yiri.



"Taasi waxay dhici kartaa, ciyaaryahan dhalinyaro ah oo u soo guuray dalka, luqad kala duwan, koox weyn iyo rajo badan.



"Laakiin waa ciyaaryahan tayo leh, Premier League ayaana ku haboonaan doona sababtoo ah waa ciyaaryahan xoogan.



"Waxa uu qaban karayaa, waa uu soo bandhigi karaa, sidaasi darteed waxaan u maleynayaa inuu guuleysan doono."



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip