Jose Mourinho oo kulanka Basel wax kabadalaya daafaciisa

0
Monday September 11, 2017 - 11:38:15 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho oo kulanka Basel wax kabadalaya daafaciisa

    isniin- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isniin- Manchester



 

 

Jose Mourinho ayaa carabka ku dhuftay in Victor Nilsson Lindelöf uu ku soo biloowan doono kulanka Champions League ee Basel habeen dambe.


 

Lindelöf ayaa heli doono fursadii ugu horeeysay ee uu Old Trafford kaga soo muuqan doono habeen dambe marka Basel ay wajahaan, xiddigaan reer Sweden ayaa fursadaan helay markii Bailly iyo Jones la ganaaxay taas oo asiga iyo Smalling siisay fursada ah inay kulankaan ku soo biloowdaan.



 

Kulankaan ayaa noqon doono kulankii koowaad ee Champions League ah oo Old Trafford uu marti galiyaa tan iyo 2015-kii markaas oo ay Group-ka ku hareen wiilashii Louis van Gaal.


 

 

Lindelöf ayaa £31 milyan kaga soo biiray Kooxda Benfica xagaagani waxaana uu noqday mid ku niyad jabay Ciyaarihii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub balse xiddigaan ayaa ciyaaray kulankii Real Madrid ee Super Cup-ka asiga oo ka mid ahaa ciyaartooyda ugu wanaagsaneed Kooxda habeenkas.


 

 

 

United ayaa laacibkaan ka sugeeyso bandhig wanaagsan waxaana uu Jose doonaayaa inuu xiddigaan ka dhigaa mid tayadiisa wax uu ka badalaa ka hor intuusan ku soo biloowan.


 W/D: AK Caqil




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip