Kulanka bilowga El Clasico 2017-18 oo dib u dhac uu ku yimid, ogoow taariikhda cusub

0
Monday September 11, 2017 - 11:54:30 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka bilowga El Clasico 2017-18 oo dib u dhac uu ku yimid, ogoow taariikhda cusub

    isniin- Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isniin- Madrid




Sida uu xaqiijisay guddoomiyaha La Liga Javier Tebas waxaa is badal lagu sameeyay waqtigii loo horey qorsheeyay in la ciyaaro kulanka koowaad ee El Clasico ee u dhaxeya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.


Sida ay qoreyso Jariirada AS, kulanka ayaa garoonka Bernabeu ka dhici doona 23 December saacadda 4:00 galabnimo. iyadoo laga soo raray  20 December oo ahayd xlliga rasmiga ee horey jadwalka ugu jirtay.



Kulanka ayaa dib loogu dhigay kooxda Real oo ka qeyb galeysa koobka addunka ee kooxaha kaasoo soconaya 6 iyo 16 December


Real ayaa tartanka kusoo biireysa heerka semi finalka oo ay ciyaari doonto 13 Decembe, waxayna haddii ay adkaato finalka ciyaari doontaa sabti 16 December.


Tartanka ayaa lagu qaban doona dalka Imaaraadka, waxayna u baahan doontaa in ay usoo duusho Spain si ay isugu diyaariso kulanka El Clasico.


Kulanka labada koox e sanadki hore ka dhacay garoonak Bernabeu aya ahaah mid taariikh wata , iyadoo Messi uu daqiiqadi 90 dhaliyay goolkii guusha, sidoo kale waxuu goolkaas ahaa goolkii 500 ee Messi u dhaliyo kooxdiisa Barcelona.


 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip