Yaa Hogaaminaayo Kooxda Todobaadkii 3 Aad Ugu Wanaagsan Horyaalka Talyaaniga Ee Seri A

0
Monday September 11, 2017 - 18:34:00 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Hogaaminaayo Kooxda Todobaadkii 3 Aad Ugu Wanaagsan Horyaalka Talyaaniga Ee Seri A

    Isniin- Italia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Italia
Yaa Hogaaminaayo Kooxda Todobaadkii 3 Aad Ugu Wanaagsan Horyaalka Talyaaniga Ee Seri A 




Kooxaha Waaweyn ee horyaalka Talyaaniga Seri A da ayaa xidigo Ku Leh liiska Shaxda Kooxda ugu wanaagsan ee todobaadkii sedexaad ugu wanaagsan.




Kooxaha kala Napoli ,Juventus Iyo Intermilan ayaa ku Leh xidigo Shaxda todobaadkaan ugu wanagsan Horyaalka Talyaaniga waxaana ka maqan kooxaha Ac Milan iyo Oo aan wax Xidig ku lahayn liiskaan.




Goolhayaha:

Pepe Reine (Napoli).



Goolhayihii hore ee Liverpool Fc Reina ayaa ku soo baxay goolhayaha ugu wanaagsan todobaadkaan Horyaalka Talyaaniga waxaana fursado qaali ah uu ka badbaadiyay Matteo Destaro Iyo Simone Verdi.

Afarta Daafac :



Bruno Gaspar (Fiodantina)



Labadii kulan ee ugu danbeeysay uu Viola u safto Da,yarkaan reer Portugal waxaa uu caawiyo ka ahaa laba gool ,waxaana uu isku xiray Daafaca Kooxdiisa iyo qadka dhexe.



Davide Astori (Fiorantina)



Ninkaan ah Nin weyn ah ayaa mar kale soo bandhigay qaab ciyaraeed cajiib ahi waxaana uu ansixiyay goolkii sedexaad ee Kooxdiisa Viola.



Medhi Benatia (Juventus)



30 jirkaan heerka caalami ayaa wacdaro ka dhigay kulankii Kooxdiisa Bionconeri ay ku tumatay dhigeeda Chievo Verona ,isagoona istaajiyay weerarka kooxda Chievo Yareey.



Milan Skiriner ( Inter).



Slovakiankan aadka u yar ayaa noqday daafac bir ah wuxuuna Kooxdiisa u suurta galiyay in aan wax gool ah laga dhalin.

Qadka Dhexe:

Faouzia Ghoulam (Napoli).



Waxaa uu markale noqday mid Top ah wuxuuna muujiyay tayadiisa, waxa uu u diiday Xidigaha Kooxda Bologna in ay dhexda Ku ciyaaraan Kubada .

Mirelam Pjanic (Juventus)



Waxa uu noqday. isku xiraha qadka dhexe ee kooxdiisa Juventus isagoona caawiye ka ahaa goolkii uu ansixiyay Gonzalo Higuin.

Jose Cellejon (Napoli)



Willkii hore ee Real Madrid ayaa shabaqa soo taabtay misna Waxaa uu caawiye ka ahaa goolkii uu dhaliyay saaxiibkiis Zielliski.

Weerarka:

Poul Dypala (Juventus)



Messi yaraha Bionconeri Waxaa uu wali Ku raaxeysanayaa waayihiisa Juve waxaana uu dhaliyay gool caaqibad Leh misna uu ka soo toogtay meel goolka u jirta 12 yard.

Ciro Immobile (Lazzio).



Waxaa uu noqday Xidiga ugu wanagsan ee garoonka kulankii Kooxdiisa Shimbirta ay labada cad ka dhigtay Ac Milan waxaana u dheertahay in uu ansixiyay sedexleey.



Sidoo kale Waxaa jiro xidigo badan Oo Ku soo dhawaaday in Ay Ku soo baxaan liiskaan Waxaan aka mid ah .



Mario Simbirisi (Cagliari) Mauro Icardi (Inter)
Adam Ljajic (Torino)
Jacub Jonkto (Udinesa )
Luis Alberto (Lazzio)
German Bazzela (Fiorantina.



W/D Abdirashiid Qanciye


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip