Muxuu Jose Mourinho kaga hadlay Shirkiisa Jaraa'id kahor kulanka Basel ?

0
Monday September 11, 2017 - 20:54:48 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Jose Mourinho kaga hadlay Shirkiisa Jaraa'id kahor kulanka Basel ?

    Isniin- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Manchester

 


 

Kusoo dhawaada qodobadii ugu muhimsanaa shirkii Mourinho ee galabta kahor kulanka Champions league-ka.


 

Mourinho hadalkiisa waxuu ku bilaabay xaalada Fellaini.


 

"Shalay ma uusan tababaran, aan aragno inuu maanta tababar sameyn karo, waxuu ii yahay ciyaariyahan muhiim ah in kabadan intaad adiga aaaminsantahay inuu ii yahay.


 

"Waxuu qabaa dhaawac yar ee kubka ah oo kasoo gaaray xulka. Markeey wajaheen [ Greece ] kadib kulankaas waxuu dareemaya xanuun. Hadii ay xaaladiisa soo hagaagto waan soo xulan doona maxaa yeelay anigaa u baahan.



 

Jose iyo isbadalka daafacyada.


 

Mourinho ayaa sheegay maalin hore inuu ciyaarsiin doono Smalling iyo Lindelof kulanka Champions league mar wax laga weydiiyey arintaas ayuu ku jawaabay:-


 

"Xitaa hadii ay [ Bailly ] iyo [ Jones ] aysan ganaax ahaan laheyn waxaa ciyaari lahaa Lindelof iyo Smalling. Sababtoo waa isku heer laakiin waa ciyaartoy kala duwan."


 

Maxuu Mourinho kayiri Lindelof.


 

"Sidaan ila tahay weey u fududahay isaga ka ciyaarista Champions league-ka, waxuu qaab ciyaaredka kala mid yahay horyaalka Portugal. Laakiin waxuu u baahanyahay waqti oo kula qabsado horyaalka Priemer league balse tilaabo-tilaabo kadib wuu laqabsan doona.


 

Mourino oo qoslaaya ayaa kusoo xiray:- "Waa ineey wal-walaan wiilasha kale maxa yeelay [ Lindelof ] waa ciyaariyahan qatar ah."


 

Romero ayaa ahaa goolhayihii tar-tanka Yurub sanadkii lasoo dhaafay yaa ah gool ilaaliyaha habeen dambe Maxuu kayiri Mou:-


 

"Waqtigaan la joogo [ David ] waxuu u ciyaaraya si fiican oo kalsooni kujirto. Sidaas awgeed beri waxaan ku tagaya Degea."


 

Kusoo laabashada Champions league-ka.


 

"kusoo laabashada Champions league-ka waa wax dabiici u ah halkaan. Manchester United waxey joogi jirtay halkaas sanadba sanadka ku xiga. Ciyaartoyda qaar ayey dhiiro-gelin u noqon doonta ineey ciyaaraan markoodii ugu horeeysay. Sidaad darteed waxaan indhaha ku heeyna kulanka waxaan rajeeyna inaan Old Trafford ka dareemno waxyaabihii horay aan ugu dareemi jirnay."


 

Xaalada kooxda oo wajahaayo ee Basel.


 

"Kuwa naga soo horjeeda waxey leyihiin hamiga aan lenahay oo kale, waaan ka helay waxeey horay u sameeyeen.waxeey Manchester United u aheed midaas tijaabo adag. Laakiin hada wan adagnahay waxaan kalsooni fiican ku qabnaa nafsadeena. Waaana isku dayeena inaan badino ."


 


 

Diyaarintii iyo turjumadii Shafi'i Dahir ka bogasho wacan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip