Hordhaca: Real Madrid vs Apoel, wax Walbo aad ugu baahantahay Kulankaan

0
Wednesday September 13, 2017 - 10:55:42 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca: Real Madrid vs Apoel, wax Walbo aad ugu baahantahay Kulankaan

    Arboco- Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arboco- Yurub




Garoonka: Santiago Bernabeu

Waqtiga: 9:45pm Xiliga Geeska Afrika

Garsoore:Benoit Bastien (France)



Real Madrid waxa ay kulankeeda kowaad ee Group-ka ay Champions League-ga uga jirto ku soo dhaweyn doontaa APOEL Nicosia.




Xilli ciyaareedka cusub waxa ay ku bilaabanayaan inay soo dhaweeyaan kooxda Qubrus ka dhisan ee APOEL kuwaasoo ay wadar ahaan 8-2 ku xasuuqeen markii ay isku arkeen koobka Champions League ee xilli ciyaareedkii 2011-12.



Kooxda APOEL ayay u tahay markii afaraad oo ka soo muuqdaan wareega group-yada ee Champions League.



Waxaa Group H kula wehliya kooxaha Tottenham iyo Borussia Dortmund oo caaa ku ciyaaraya garoonka Wembley.



Wiilasha Zinedine Zidane dhawrkii kulan ee la soo dhaafay laguma qancin bandhigyadooda waxaase waajib ku ah in ay jawaab ku bixiyaan kooxda yare ka soo jeedda YUHUUDDA.


MAXAA KA CUSUB?



Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laaban doona shaxda Real Madrid madaama uu kaliya ka ganaaxan yahay tartamada Spain, halka Marco Asensio aan lagu soo darin liiska ciyaartoyda wajaheysa caawa APOEL.




Tababare Zinedine Zidane ayaa laga yaabaa inuu ku soo shirtago shax ciyaareedka 4-3-3 iyadoo Isco uu garab bidix ka ciyaaraya, halka Bale uu garab midig koraya, waxaana weerarka hogaamin kara Ronaldo.




Casemiro, Modric, Varane iyo goolhaye Keylor Navas ayaa iyagana la filayaa inay shaxda ku soo laabtaan ka dib markii la nasasiiyay kulankii Axada.
APOEL Nicosia 5 ka mida 6dii kulan ee ugu dambeeyey Champions League-ga shabaqeeda lama soo taaban.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip