Hordhaca: Liverpool vs Sevilia, Kooxda Seville Oo Taariikh Madow Ku leh Gudaha Ingiriiska

0
Wednesday September 13, 2017 - 11:24:23 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca: Liverpool vs Sevilia, Kooxda Seville Oo Taariikh Madow Ku leh Gudaha Ingiriiska

    Arboco -Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arboco -Yurub



Kulanka:Liverpool vs Sevilla

Garoonka: Anfield

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Danny Makkelie (Netherlands)


Kooxda Liverpool ayaa markii labaad ka soo muuqaneysa wareega group-yada Champions League sideed xilli ciyaareed gudaheed, waxaana ay caawa kulankooda soo laabashada ay ka hortagayaan kooxda reer Spain ee Sevilla kuwaasoo ay taariikh kala dhaxeyso.




Reds waxa ay jab weyn toddobaadkan kala soo kulantay horyaalka Premier League-ga balse Klopp wiilashiisa waa u diyaar in ay wax walba saxaan arbacada.




Reds ayaa dooneysa inay ka aargudato Sevilla ka dib markii ay guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay finalkii Europa League ee sannadkii hore ee 2016. Waxaana ay Liverpool ay niyada ku dhisaneysaa inay badiyeen lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada Yurub ee ay ku ciyaareen Anfield iyo xaqiiqda ah in Sevilla aysan waligeed badinin iyadoo marti u ah koox Ingariis ah.




MAXAA KA CUSUB?



Philippe Coutinho waa taam wuuna caafimaad qabaa sida uu sheegay tababare Klopp laakiin waa uu diiday inuu xaqiijiyo haddii uu caawa ciyaari doono kulankiisii ugu horeysay ee ee xilli ciyaareedka.



Coutinho oo isku dayay inuu si qasab ah ugu wareego Barcelona bishii hore ayaa dhaawac dhabarka ah ku seegay shantii kulan ee ugu horeysay kooxda.



Sevilla waxa ay Liverpool 2-1 uga qaaday Europa League-ga Liverpool ololihii 2015-16.

Sevilla shan jeer oo ay u soo safartay England ma aysan guuleysan.




Goolhaye Loris Karius ayaa ku soo bilaaban doona goolka kulanka caawa. Goolhayaha Jarmalka ayaa markii labaad xilli ciyaareedkaan bedeli doona Simon Mignolet, isagoo ku soo bilowday kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Arsenal horyaalka Premier League bishii hore.



Mohamed Salah ayaa dhuun xanuun uga fariistay tababarkii shalayto, laakiin waxaa la filayaa inuu qeyb ka ciyaaro kulanka caawa ee Anfield.



Dhanka kooxda Sevilla waxaa dhaawacyo kaga maqan Nolito oo dhaawac bowdada ah qaba iyo Geis oo aan laheyn taam ahaansho buuxda ka dib markii uu dhaawac ka soo laabtay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip