Diego Costa Oo Rajo Buuxda Ku Qabo inuu ku laaban Doono Kooxdiisa Hore Atletico Madrid Isagoona Halkaa U duuli doono Isbuucan

0
Wednesday September 13, 2017 - 11:44:50 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diego Costa Oo Rajo Buuxda Ku Qabo inuu ku laaban Doono Kooxdiisa Hore Atletico Madrid Isagoona Halkaa U duuli doono Isbuucan

    Arboco- England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arboco- England





Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa rajeynaya in kooxda Atletico Madrid dhameystiri karto wadahadalada ay kula soo wareegeyso Isbuucan.



Atletico ayaa soo bandhigtay dalab £ 40million ah oo lagu daray 9 milyan oo ginni oo dheeri ah iyo 4 milyan oo ginni ah oo lagu bixinayo Costa.




Costa ayaa doonaya inuu u safro Madrid habeenka Talaadada halkaasoo uu rajeynayo inuu ku sameeyo Tababar Ilaa Iyo Inta Uu ka Furmaayo Suuqa Kalaa Iibisiga Ee Janaayo.




Chelsea ayaa dooneysay Costa inuu dib ugu soo laabto tababarka isla markaana dejiyo Xaalada ka hor inta uusan ku biirin kooxdiisa Hore.




Labada kooxood ayaa ku kulmaya Champions League 27ka September, Chelsea ayaana Dooneysa inay qandaraaska u cusbooneysiiyaan ka hor Kulankaas.



Dhanka kale kooxda ka dhisan Sacuudiga ee Al Hilal ayaa sidoo kale xiiseyneysa inay amaah ku qaadato illaa bisha Janaayo.




Costa Ma uusan u ciyaarin Chelsea tan iyo markii ay guuldaradii FA Cup ku soo gaartay Arsenal dhamaadkii bishii May ka dib markii lagu soo bandhigay xagaaga, Conte ayaa u diray Costa fariin qoraal ah, isaga oo u sheegaya inuusan ku Jirin  qorshihiisa.



Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaan awoodin inuu iska diwaan galiyo kooxda Atletico tan iyo bishii Janaayo markaasoo uu ganaax lagu soo rogay.



Waxaa intaas sii dheer, Fenerbahce iyo Besiktas ayaa dhowaan lala xiriirinayay Costa si amaah ah ilaa bisha Janaayo, lakiin waxba ma aysan ogolaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Turkiga 1-da September.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip