Waa kuma xidiga ugu fiican ee Beckham uu ka garab cayaaray???

0
Tuesday October 06, 2015 - 16:05:54 in Wararka by Nasri Ahmed
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma xidiga ugu fiican ee Beckham uu ka garab cayaaray???

    (Kubadbile) Kabtankii hore ee qaranka England David Beckham ayaa maanta sheegay xidigihii uu waayahiisa cayaareed kasoo garab dheelay kan ugu wanaagsan ee uu ku faano inuu kubad la qeybsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Kubadbile) Kabtankii hore ee qaranka England David Beckham ayaa maanta sheegay xidigihii uu waayahiisa cayaareed kasoo garab dheelay kan ugu wanaagsan ee uu ku faano inuu kubad la qeybsaday.

David ayaa ku tilmaamay saaxiibkiisii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane inuu yahay xidiga ugu wacan abid ee uu isagu ka garab cayaaray, Iyadoo labadan nin ay isaga hor imaan doonaan kulan bisha soo socota dhexmari doona xidiga qaramada England iyo Ireland oo dhan ah iyo kuwa aduunka, kulan Sadaqo loogu aruurinayo Unicef oo ka dhici doona garoonka Old Trafford.

Beckham oo galabta saxafiyiin shir jaraa'iid u qabtay ayaana sheegay in Zidane uu yahay saaxiib ku qaali ah, ahna kan ugu fiican ee uu ka garab cayaaro intii aanu kabaha kubadda lagu dheelo iska dhigin, Isagoo sugi la' bisha soo socota markaayo uu garoon la gali doono tababare xigeenka Real Madrid Zinedina Zidane.


David Beckham iyo Zidane ayaa kooxda Los blancos u wada dheeleeyay intii ka dhexlaheyd sanadii 2003 ilaa 2006.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip