Masar oo aad ugu sii dhawaaneysa in 27 sano kadib marki u horeysay koob aduunka kasoo muuqato

0
Saturday October 07, 2017 - 21:15:45 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar oo aad ugu sii dhawaaneysa in 27 sano kadib marki u horeysay koob aduunka kasoo muuqato

    Sabti- Masar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Masar



Xulka lagu neeneeso faraaciinta ayaa raj wanaagsan ooka qeyb galka koobka aduunka ay soo gashay kadib markii ay manta barbaro isla dhaafi waayeen dalalka Ghanna iyo Uganda.


Labada dal ayaa kulan ku qaatay dalka Uganda,waxuna kulankoodu kusoo idlaaday barbaro 0-0.


Natiijadan ayaa ka dhigan in Masar ay kaliya u baahan tahay hal guul laba kulan oo isreebreeka koobka duunka qeybta Group E.



Masar oo ciyaartay ayaa leh 9 dhibcood, waxaana kusoo xigta Uganda oo shan kula dheeshay taasoo leh 8 dhibcood, Ghanna ayaa dhankeeda fahdida 6 dhibac kadib 5 kulan.


 

Ghana iyo Uganda ayaa dheelay min shan kulan waxaa u haray oo kaliya hal kulan, Black Stars-ka ( Ghanna ayaa kulanka u dambeeyay la ciyaari doona dalka Masar, halka Uganda ay la dheeli doonaan Congo kulamo dhici doona 6-da Novermber.


Dhanka kale Xula Masar ayaa haysata laba kulan waxayna kulanka koowaad 8-da Oktoobarwajahi doontaa Xulka Congo, haddi ay kulankaas guul gaaro way kaga filnaan doonta xaqiijintooda koobka adduunka 2018 lagu qaban doono dalka Russia.


Haddii ay Masar xaqiijiso usoo bixida koobka adduunka, waxay noqon doontaa marki u horeysay oo ay koobka dduun kasoo muuqan doonto kadib koobki adduunka 1990-ki lagu qabtya dalka Talyaaniga.


 W/D: Osman Haggi

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip