Maxamed Saalax oo Masar usoo saaray koobka adduunka kadib 28 sano

0
Monday October 09, 2017 - 08:57:28 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Saalax oo Masar usoo saaray koobka adduunka kadib 28 sano

    Isniin- Qahira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Qahira


Weerararka kooxda Liverpool iyo Xulka Masar Maxamed Saalx ayaa xulkiisa u suura geliyay in ay usoo baxaan koobka kubadda cagta adduunka amrki u hreysay kadib 27 sano.


Saalax ayaa xalay xulkisia u dhaliyay laba gool,oo ay kaga adkaadeen xulka Congo kulanki shanaad ee Group E, waxana hogaanka ku qabteen 12 dhibcood , waxayna xulka kusoo xiga ee Uganda ka sareeyaan afar dhibcood taasoo ka dhigan in haddii laga adkaado kulanka u dambeeya Group-ka oo ay la ciyaari doonaan Ghanna aysan waxba u dhimmayn.



Congo ayaa goolka qura ka heshay Arnold Bouka Moutou kaasoo ahaa goolka barbaraha ay dhaliyeen kahor inta uu Maxamed Saaalax goolka guusha ka dhalin.


Waa marki u horeysay oo ay Masar kasoo muuqaneyso koobka adduunka kadib koobka adduunka 1990 ee lagu qabtay dalka Talyaaniga.


Hector Raul Cuper oo ah Macalinka xulka Masar ayaa riyadan taariikhiga u rumeeyay xulka lagu naaneeso Faraaciinta waxaana intaas dheer in dalka uu u dhashay ee Argentin ay Qatar ugu jiraan in ay tartanka kubadad cagta dunida isaga haraan.


W/D: Osman Haggi

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip