Halyeey Mohamed Salah ayaa lagu sharfay in loogu magacdaro Iskuul ku yaala dalkiisa Masar kadib markii uu xulkiisa 28 sano kadib usoo bixiyey koobka dunida

0
Tuesday October 10, 2017 - 09:54:15 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyeey Mohamed Salah ayaa lagu sharfay in loogu magacdaro Iskuul ku yaala dalkiisa Masar kadib markii uu xulkiisa 28 sano kadib usoo bixiyey koobka dunida

    Talaado- Masar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Masar




Salah oo 25 jira ayaa guul taariiqi ah u horseeday xulkiisa Egypt kadib markii uu dhaliyey labadii gool ee xulkiisu ay kaga adkaadeyn xulka Congo.


Guushan ayaa xulka Faraaciinta lagu naaneyso ka saaciday ineey 28 sano kadib usoo baxaan koobka dunida oo aysan ka qeyb galin tan iyo sanadkii 1990.


Dowladda iyo shacabka reer Masar ayaa aad ugu farxay guusha xulkooda iyadoo dabaal dagyo waaweyn ay ka dhaceyn magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi.



 

Gudoomiyaha gobolka Gharbia,( Gaarbiya ) General Ahmed Daif Saqr,ayaa shaaciyey in Dugsiga sare ee warshadaha ee ku yaala magaalada Basyoun ( Baasyoon ) ee ee gobolka Gaarbiya ineey magacii hore ka badaleen isla markaana ay hada ugu magacdareen halyeey Muhammad Salah oo kasbaday quluubta dadka reer Masar kadib markii uu usoo bixiyey koobka dunida ee sanadka 2018.


 

Dhinaca kale madaxweynaha dalka Masar Abdel-Fattah el-Sisi ayaa hooygiisa ku marti qaaday xidigaha xulka Masar wuxuuna xidig walba ku abaal mariyey aduun dhan 85,000 oo doolar.



 

Si kastaba xulka masar oo uu hogaamiyo tababaraha caanka ah reer Argentin Hector Cuper ayaa hada markoodii 3-aad ka qeyb geli doona koobka dunida oo ay horey usoo ciyaareyn sanadaihii 1934 iyo 1990.


W/D: Xabiib Axmed Cali 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip