Roberto Martinez: Ma jiro wax xiriir ah oo na dhex maray aniga iyo Jose Mourinho oo ku saabsan Fellaini

0
Tuesday October 10, 2017 - 10:03:10 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roberto Martinez: Ma jiro wax xiriir ah oo na dhex maray aniga iyo Jose Mourinho oo ku saabsan Fellaini

    Talaado- Belgium

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Belgium



 

Macalinka xulka qaranka Belgium ka ayaa sheegay in uusan kala hadlin macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho xaalada laacibka timaha weyn ee kooxda United Marouane Fellaini.


 

 

Waan la socdaa in uu laacibka ka dhaawacmay jilibka inta aan ku guda jirnay waajibka qaranka Belgium kulankii 4 iyo 3 kaga badinay xulka Bosnia-Herzegovina sabtidii.



 

Si kastaba, Martinez ayaa xaqiijiyay in Fellaini uu ka dhawacmay jilibka isagoona sheegay in uu rajeynayo in uu dhaqsi uga soo bogsado.


 



Wali si rasmi ah looma sheegin waqtiga uu kusoo kabsan doono xidiga, balse macalinka xulka Belgium ayaa sheegay in uusan wax xirir ah lasoo sameyn Jose Mourinho oo ku saabsan arintan.


 

"Ma jiro wax xiriir ah oo na dhex maray aniga iyo Mourinho oo ku saabsan xaaladda Maroune," sidaas waxaa u sheegay jariirada Mirror macalinka xulka qaranka Belgium Martinez.


Aamusnaanta Jose ayaa lagu tilmaamay inuu ka careysan yahay sababta kulan ay ka maarmaan u safeen fellaini xilli kulan dag uu kusoo fool-leeyahay kooxdiisa United.


 

Fellaini ayaa todobo kulan kasoo muuqday sanadkan kooxda United tartamada oo dhan isagoona dhaliyay afar gool.


 

W/D Ahmed Yusuf Suleiman.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip