
Messi oo xulkiisa usoo Saaray Koobka adduunka iyo Mareykan oo ka haray
Leonel Messi ayaa xulkisa Aregntina usoo saaray koobka adduunka markii uu axlay u dhaliyay saddexleey kulanki ay 3-1 kaga adkaadeen Xulka Ecuadro oo ay martu u ahaayeen.
Argentina oo Qatar weyn kujirtay sidii ay dhacdada dunida ugu weyn ugu soo bixi lahayd ayaa hadda ku dhameysatay kaalinta saddexaad waxaana ka horeeyay Brazil 41, Uruguay 31 halka Argentina ay la timid 28.
Waa markii 12 oo xiriir ah oo ay koobka tartanka usoo baxayaan waxayna ku guuleysteen laba kamid ah.
Dhanka kale Xulka mareykan ayaa isaga haray koobka adduunka kadib 6 tartan oo xiriir ah uu kasoo qeyb galayay, waxaana xalay 2-1 ku garaacay xulka Trinidad and Tobago.
Mareykan ayaa u baahnaa kaliya barbaro si uu kaalinta saddexaad u xaqiijyo waxaa taa badalkeeda uu xitaa waayay booska afaraaad uu kaga qeyb gali laha aisreebreebka kulamda kala baxa loo yaqaan oo wadanka Australia la dheeli lahaayeen waxaana booskaad kala abxay Honduras.
Wada waqooyiga iyo barama America (Concacaf ) waxaa si toos ah ugu soo baxay koobk adduunka wadamada Mexico, Costarica iyo Panama.
Messi oo xulkiisa usoo Saaray Koobka adduunka iyo Mareykan oo ka haray
Arbaco- America