Juventus iyo Intermilan oo ku dagaalamaya Saxiixa weeraryahan Arsenal u ciyaara

0
Wednesday October 11, 2017 - 10:20:57 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juventus iyo Intermilan oo ku dagaalamaya Saxiixa weeraryahan Arsenal u ciyaara

    Arbaco- Italy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Italy


 

Wararka soo baxaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Juventus iyo Inter ay u dhaqaaqeen Saxiixa Xidiga xulka France ee Olivier Giroud oo Ka Tirsan Kooxda Arsenal ee horyaalka Preimer Leugue .


 

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisa waxaana Kooxda ku ciyaarta Garoonka Emirates tan iyo markii uu yimid  Alexandre Lacazette, ma uusan ku soo bilaaban hal kulan Premier League ilaa iyo haatan.



 

31 jirkaan ayaa ku dhowaa ku biirista Koox Everton bilowgii xagaagan,laakiin ugu dambeyntii wuxuu go'aansaday inuu sii joogo Waqooyiga London.


 

 

Hadda calciomercato.it ayaa soo wariysay inuu Giroud xiiseynayo inuu ka ciyaaro horyaalka Serie A xagaagan waliba bisha January , iyadoo Juve ay dooneyso inay qandaraas dheer la gasho si u booska ula dagaalamo Mario Mandzukic iyo Gonsalo Higuan.


 

Mandzukic ayaa dhawaan saxiixay qandaraas cusub ilaa sannadka 2020 uu kaga mid ahaan doono Kooxdiisa laakiin kooxda ayaa weli dooneysa fursado ah in kooxeeda Ku soo kordhiso weeraryahan cusub.


 

Dhanka kale kooxda Inter ayaa dhankeeda dooneeysa weeraryahan la tartama Mauro Icardi oo ah weeraryahankooda kaliya hada u shidan tahay maqayada San Siro,



 

Ac Milan ayaa lala xiriiriyay xagaagii hore, lakiin haatan waxay heystaan ‚Äč‚ÄčAndré Silva, Nikola Kalinic iyo Patrick Cutrone wayna isaga hareen doonistiisa.


 

W/D Abdirashid Qanciye




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip