Blatter & Blatini oo 90 Maalmood oo Ganaaxa wajahaya, yaa kale oo la ciqaabay?

0
Thursday October 08, 2015 - 09:53:00 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Blatter & Blatini oo 90 Maalmood oo Ganaaxa wajahaya, yaa kale oo la ciqaabay?

    FIFA madaxweynaheeda Sepp Blatter iyo kan UEFA Michel Platini ayaa midkoodba laga ganaaxay Kubbadda cagta 90-maalmood keddib eedeymo lagu soo oogay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FIFA madaxweynaheeda Sepp Blatter iyo kan UEFA Michel Platini ayaa midkoodba laga ganaaxay Kubbadda cagta 90-maalmood keddib eedeymo lagu soo oogay.

Baaritaano uu sameeyay Guddiga Anshaxa ee FIFA ayaa waxaa uu ciqaab garka loogu geliyey Xubno ka tirsan Xiriirada FIFA iyo UEFA, waxaana xubnahaas ka mid ah Labada Madaxweyne ee xiriiradaas.


DADKA AY GANAAXYADU KU SOO BAXEEN EE FIFA:



Jerome Valcke (Xoghayaha Guud): Waa la fasaxay markii lagu waayay wax Caddeymo ah oo muujinaya Eedeymihii loo heystay.


Chuck Blazer (Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta): Waligiis Kubbada cagta sooma joogsan karo wax ku shaqeynteeda la xiriira, keddib markii la ogaaday in uu Laaluush qaatay 1998 iyo 2010 Koobabkii Adduunka ee la qabtay.


Eugenio Figueredo (Madaxweyne ku xigeenka Guddiga Fulinta), Jeffrey Webb (Madaxweyne ku xigeen Guddiga Fulinta), Nicolas Leoz (Golaha Fulinta Xubin), Eduardo Li (Xubin Golaha Fulinta), Jose Maria Marin (Guddigii Koobka Adduunka 2014), Julio Rocha Lopez (Sarkaal ka tirsan Xafiiska Horumarinta FIFA): Dhammaantood waxaa lagu xiray Mareykanka halkaas oo ay ku wajihi karaan Xukuno la xiriira Musuq lagu eedeeyay.


Joao Havelange (Madaxweyne Sharafeed): Waa uu is Casilay markii lagu eedeeyay Laaluush qaadasho.


Vernon Manilal Fernando (Xubin Golaha fulinta): Waligiis lug lama soo geli doono Kubbadda Cagta keddib baaris lagu sameeyay oo Musuq iyo Laashuush lagu helay.


Ricardo Teixeira (Golaha fulinta Xubin): Waa is Casilay markii uu maqlay in Musuq iyo Laaluush lagu eedeeyay.


Mohamed Bin Hammam (Xubin Golaha Fulinta): Waa laga saaray guud ahaan Kubbadda Cagta keddib markii lagu helay Laaluush qaadasho iyo Musuq.


Jack Warner (Xubin Golaha Fulinta): Waa uu is casilay, keddib markii eedeyn dhanka dhaqaalaha oo uu si xun u maamulay ah ay kusoo baxday iyo Laaluush qaadasho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip