Duqa Magaalada iyo Madaxda Isboortiga Djibouti oo umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dhibaatadii 14 Oktoobar+Sawirro

0
Monday October 23, 2017 - 17:30:28 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Magaalada iyo Madaxda Isboortiga Djibouti oo umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dhibaatadii 14 Oktoobar+Sawirro

    Duqa caasimada iyo madaxda qeybaha kale gedisan ee isboortga dalkaa Djibouti ayaa caasimdda Djibouti ku qabatay kulamo loogu baroor-diiqayo dadkii dhibaatda kasoo gaartay qaraxii dhibatada xoogga gaystay ee 14 Otoobar ka dhacay isgooska Soobbe ee mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa caasimada iyo madaxda qeybaha kale gedisan ee isboortga dalkaa Djibouti ayaa caasimdda Djibouti ku qabatay kulamo loogu baroor-diiqayo dadkii dhibaatda kasoo gaartay qaraxii dhibatada xoogga gaystay ee 14 Otoobar ka dhacay isgooska Soobbe ee magaalada Muqdisho.


 


 

Kulamadan baroordiiqda ayaa kale kala dhacay Xarun uu tababar uga socdo Macallimiinta kubadda Gacanta Soomaaliyeed, Xarunta Guddiga Olombikada Djibouti iyo Garoonka Kubadda Gacanta ee Boqor Fahad , waxaana kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarda iyo Isboortiga Djbouti Xasan Maxamd Kaamil,Duqa Magaalada Djibouti Faadumo Cawale Cusman, Agaasimaha Wasaarada dhalinyrada iyo Isboortiga Maxamed Axmed Faarax, Xoghayaha Guddiga Olombikada Djibouti Feysal Abdurhman Abdoul –Ragoub, Guddoomiyaha Uruurka haweebka iyo Isboortiga Djibouti Saciido Sakiina, masuuliyiinta Xiriirkada Kubadda Gacanta, Miiska, Judo-ga iyo Kuadda Cagta dalka Djibouti iyo Masuuliyiinta iyo Macallimiinta Soomaaliyeed ee dalka djibouti ku sugan.



 

Masuuliyiinta ayaa iyagoo tiiraanyeysan tacsi u diray dhammaan umadad Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii dhibaatda kasoo gaartay dhibaatadii muragda lahayd ee dhacday 14 OKtoobar, waxayna Alle uga baryeen in naxariisrii Janno ka waraabiyo intii geeriyooday intii dhaawactayna Alle caafimada taam ah siiyo intii ku hanti beeshayna badal qeybr qaba Alle ugu badalo. Shacabka iyo Dowladda Djiboutina ay mar walba garab taagan tihiin walaalahooda Sooaaliyeed.


 

Dhanka kale Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan iyo Guddomiyaha Xiriirka kubadad Miiska Soomaaliyeed Maxamed Xaaji Jimcaale ayaa masuuliyiinta tacsida ka guddoomay waxayna shacabka iyo Dowladda Djibouti uga mahad celiyeen doorka walaaltinimo iyo garab isbtaaga 27 sano ee lasoo dhaafay dhanka kasta Soomaaliya uga hiilinayeen.


 

W/D: Xuseen Maxamed Hadafow

Caasimadda Djibouti

Email: hadaafoow7@gmail.com

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip