Juve iyo Spurs Oo Ku Hardamaaya Saxiix Andre Gomes

0
Sunday October 29, 2017 - 14:46:29 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juve iyo Spurs Oo Ku Hardamaaya Saxiix Andre Gomes

    Axad- Torino

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Torino


Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay dagaal la galeyso dhiggeeda Tottenham Hotspur si ay u xaqiijiso soo xearo-galinta xiddiga Barcelona Andre Gomes.


 

Xiddiga reer Portugal ayaa yimid garooonka Camp Nou xagaagii 2016, lakiin waxa uu iska indho tiray tababaraha cusub ee Barca Ernesto Valverde kaasi oo aan adeegsan inta badan .


Sidaasi darteed, waxa ay u muuqataa inay kooxda Catalans u ogolaan doonto inuu raadsado koox cusub bisha Janaayo suuqa kala iibsiga kolka uu dib u furmo.



Sida laga soo xigtay Calcio News 24, kooxda lagu naaneyso Old Lady( Marwada Duqda Ah)  waa mid ka mid ah kooxo badan oo doonaya inay helaan 24 jirkaan adeegiisa.


Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u badan tahay inay tartan adag kala kulmayaan kooxaha Premier League.


Ciyaaryahanka khadka dhexe Gomes waa xiddiga reer Portugal waxaana uu xirfadiisa ciyaareed kusoo bilowday Benfica ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda ka dhisan La Liga ee Valencia sanadii 2015.


Qaab ciyaareedkiisa ee garoonka Mestalla ayaa keenay ku biiristiisa koxda Barcelona sannadkii hore, lakiin haatan waxa uu u muuqdaa inuu jisaga hayaamaayo Camp Nou.


Juve ayaa xiiseyneysay inay lasoo saxiixato Gomes xagaagii hore , lakiin ma aysan dooneyn inay ka bixiyaan qiimaha ciyaaryahanka ee kooxdiisa Barca ku dooneeyso.


W/D: Cabdirashiid Qanciye




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip