Sergio Aguero oo Noqday ninka ugu Goolasha badan kooxda Man City Taariikhda

0
Thursday November 02, 2017 - 13:48:54 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sergio Aguero oo Noqday ninka ugu Goolasha badan kooxda Man City Taariikhda

    Khamiis--Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Manchester

Sergio Aguero ayaa noqday taariikhda ninka ugu goolasha badan Manchester City waxaana uu ku mahadiyay gool uu ka dhaliyay Napoli Arbacadii xalay.


Laacibka Argentina ayaa hadda dhaliyay 178 gool ciyaaraha kooxdiisa City, wuxuuna ka gudbay Eric Brook oo horay kooxdan ugu dhaliyay 177.


Brook ayaa goolkiisii u dambeeyay ee kooxdan dhaliyay 1939, waxayna la macno tahay in Aguero uu rikoodhkaas jebiyay 78-sano keddib.



Brook ayaa goolashiisa ku dhaliyay wax ka badan 11-sano oo uu la shaqeynayay City, Aguero ayaase 6-sano ku dhaafay isaga.


Aguero ayaa rikoodhka ku barbarreeyay rigoore uu ka dhaliyay Burnley bishii October, in kastoo uu dhaliyay rigoore ciyaarta oo dhammaatay lagu kala saarayay Wolves iyo kooxdiisa kulankii Carabao Cup, taasna laguma darayo tirade maaddaama waqtiga ciyaarta uu dhammaaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip