Daniel Sturridge oo 7-sano keddib gool ka dhaliyay Champions league

0
Thursday November 02, 2017 - 13:54:04 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daniel Sturridge oo 7-sano keddib gool ka dhaliyay Champions league

    Khamiis--Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Liverpool

DANIEL STURRIDGE ayaa soo Afjaray 7-sano oo uusan wax gool ah ka dhalin tartanka Champions League keddib goolkiisii uu ka dhaliyay Maribor.


Liverpool ayaa waxay tartankan aheyd mid aan cashar fiican ka sameyn, Europe ayuuna laacibkan ugu dhaliyay goolkiisii u dambeeyay kooxda Chelsea – wuxuuna ka dhaliyay kulan uu wajahay kooxda reer Slovenia ee Zilina bishii November 23, 2010.


Waxay aheyd goolkii 3-aad ee Sturridge sanadkan iyo midkiisii labaad ee Usbuucan wuxuu horay gool uga soo dhaliyay 3-0 ay ku garaaceen Huddersfield.



Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa hoggaaminaya Group E iyagoo 3-0 uga badiyay kooxda Maribor.


Weli waxay u baahanyihiin natiijo wanaagsan, labada kulan ee ay la qaadan doonaan Sevilla iyo Spartak Moscow – kooxda Spain ayaana 2-1 ku badisay kulankii Arbacada.


Mohamed Salah iyo Emre Can ayaa dhaliyay goolasha kale ee Reds in kastoo uu rigoore kale ka khasaariyay James Milner oo ka dhalin waayay 12 Yaardi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip