Everton oo Isniinta soo magacaabi doonta macallinkii beddeli lahaa Koeman

0
Thursday November 02, 2017 - 16:31:38 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Everton oo Isniinta soo magacaabi doonta macallinkii beddeli lahaa Koeman

    Khamiis--Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Liverpool

SEAN DYCHE ayaa ku socda waddadii uu tababare ugu noqon lahaa Everton— waxaana la filayaa in Isniintaba ay ku dhawaaqdo kooxdu.


Goodison maamulkeeda sare Farhad Moshiri ayaa hadda ku kalsoon in macallinka Burnley uu yahay beddelka ku habboon kooxda ee macallinkii la raacdeeyay Ronald Koeman.


Naadiga Toffees ayaa diyaar u ah in ay bixiso £2.5milyan oo lagu jebin karo qandaraaska Dyche ee garoonka Turf Moor halkii ay soo qaadan lahaayeen Sam Allardyce oo ay shalay ku wada hadleen magaalada London.



Watford macallinkeeda Marco Silva iyo hoggaamiyaha Wolves Nuno Espirito Santo ayaa ah kuwo kale oo laga yaabo in ay soo qaataan.


Balse Carlo Ancelotti ayaa diiday in uu hoggaamiyo kooxdaas, iyadoo markaas ay kooxda kusoo dhacday in ay midkood doorato Dyche iyo Allardyce midkood.


Dyche, waa 46-jir, waxaa lagu yaqaannaa in uu kooxda Clarets uu ka dhigay naadiga 7-aad ee maalgashiga fiican heshay, sidoo kalena xiddigaha muhiimka ah soo iibsaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip