Morata kaliya ayey hadda u furantahay inuu rikoodhkaan kala wareego Mourinho!

0
Friday November 10, 2017 - 21:10:13 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Morata kaliya ayey hadda u furantahay inuu rikoodhkaan kala wareego Mourinho!

    Jimco- London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco- London



Alvaro Morata ayaa eeganaya inuu noqdo laacibkii ugu horreeyay taariikhda ee ku wada guuleysta La Liga, Serie A iyo Premier League kaddib markii uu horyaalka Spain iyo Talyaaniga la soo qaaday Real Madrid iyo Juventus.


 

Jose Mourinho ayaa isagoo tababare ah sidaa sameeyay kaddib markii uu horyaalada u wada qaaday Inter Milan, Real Madrid iyo Chelsea.


 

"Marna kama shallaynayo inaan imid koox sida Chelsea oo kale ah,” Morata ayaa sidaa u sheegay Marca.



 

"Dhammaan dhaqaaqyadii aan sameeyay waayaheyga ciyaareed waxay bixinayeen adeeg aan wax ka bartay.


 

"Guul ayaan ku soo gaaray Talyaaniga, Real Madrid anigoo dareemayay inaan labada jeerba muhiim ahaa.


 

"Iminka waxaan heystaa tartanka England iyo inaan sidoo kale ku guuleysto Premier League.


 

Waxaa jiray dhowr ciyaartooy oo reer Spain ah oo ka soo wada ciyaaray Serie A, LaLiga iyo Premier League oo ay ka mid yihiin goolhaye Pepe Reina, Fernando Torres, Gaizka Mendieta iyo Michu laakiin Morata ayaa noqon kara laacibkii ugu horreeyay ee ku wada guuleysta saddexda horyaal.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip